Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka oo digniin u diray dadka baraha Bulshada cabashadooda ku soo bandhiga

0
Saturday February 16, 2019 - 21:54:40 in Wararka by
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka oo digniin u diray dadka baraha Bulshada cabashadooda ku soo bandhiga

    Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi, ayaa digniin culus u diray dadka garsoorka ka raadiya Baraha Bulshada ee cabashadooda ku soo bandhiga, iyadoo arintan bilihii danbe ay aad u soo shaac baxeysay. Shir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi, ayaa digniin culus u diray dadka garsoorka ka raadiya Baraha Bulshada ee cabashadooda ku soo bandhiga, iyadoo arintan bilihii danbe ay aad u soo shaac baxeysay. Shir Jaraa'id uu ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo uu dhinac fadhiyo Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute, waxa uu sheegay iney Maxkamad la tiigsanayaan dadka baraha Bulshada ula orda Kiisas ay hay'adaha Garsoorka gacanta ku hayaan.


Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobalka Banaadir, ayaa sheegay iney xanuun ku heyso kiisaska ay iyaga xalka ka gaari karaan ee lala aado baraha bulshada, isagoo tilmaamay iney sumcad dil ku tahay Shaqada Garsoorka.

” Maanta laga bilaabowaxey noqon doontaa cidii ka dacwooto oo Social mediayaha soo dhigto kiis ka socda Maxkamada, In kiiskiisana cadaalad laga gaari doono oo meel la dhigi doono, basle ay ka hor mari doonto in kiis ciqaab ah isaga lagu soo oogo, hay’daha baarista loo diro, Sababta uu ka lahaa iyo ula jeedka uu u sameeyay Sumcad dilistaas in la baaro, isla markaana Maxkamada Awoodo u leh la horgeeyo” ayuu yiri garyaqaan Abshir Cumar

Si kastaba, Todobaadyadii u danbeeyay waxaa jiray Kiisas la horgeeyay hay’adaha Garsoorka dalka, balse ay ku daba dheeraatay xal ka gaaristooda, iyadoo taas ay ku qasabtay dadkii Dacwoonayay iney Muuqaalo iska soo duubaan, soona dhigaan baraha bulshada gaar ahaan Facebook, iyadoo durba marka muuqaalada uu gaaro Madaxda dalka lagu qasbo garsoorka iney deg deg arinkaa ku xaliyaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip