Waa maxay halista ugu weyn ee uu wajahayo bini'aadamka?

0
Saturday February 16, 2019 - 21:43:31 in Wararka by
  • Visits: 286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa maxay halista ugu weyn ee uu wajahayo bini'aadamka?

    Howlaha burburinta ah ee uu bini'aadamku ku dhaqaaqayo ayaa laga yaabaa inay horseedaan waxyaabo aan la mahadin hasayeeshee waxaa jira qaabab kale oo ay dhibaatadu u dhici karto. Iyadoo ay suuragal tahay in bini'aadamku uu si layaab leh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlaha burburinta ah ee uu bini'aadamku ku dhaqaaqayo ayaa laga yaabaa inay horseedaan waxyaabo aan la mahadin hasayeeshee waxaa jira qaabab kale oo ay dhibaatadu u dhici karto. Iyadoo ay suuragal tahay in bini'aadamku uu si layaab leh u baaba'o, ayaa waxaa taas sahlaya sida la isaga indha tirayo halista ugu weyn ee uu nooluhu koonkan ku wajahayo. Waxaana laga yaabaa inay noqoto middaasi mid aannu wax ka qaban karno.

Motorists take pictures of Iceland's Eyjafjallajokull volcano in 2010Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Halista Foolkaanada

1815 foolkaano ka qaraxday buurta Tambora, ee dalka Indonesia ayaa waxa ay dishay in ka badan 70,000 oo qof, iyadoo boorkii ka soo baxayna uu hawada sare qabsaday.

Waxa ay middaasi yaraysay ilayska qoraxda soo gaarayay dhulka, taas oo ay ka dhalatay waxa loo yaqaan sanadkii xagaa la'aanta.

Foolkaanadii 1815 ka dhacday Buurta Tambora ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 70,000 oo qofLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionFoolkaanadii 1815 ka dhacday Buurta Tambora ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 70,000 oo qof

Harada Toba, ee dhinaca kale ee Sumatra, ayaa waxaa weli ka muuqanaya sheeko niyad jab ah. Waxa ay ka sameysmatay foolkaano wayn oo ka dhacday 75,000 oo sano ka hor, saameynta ka dhalatayna dunida oo dhan ayaa laga dareemay.

Waxaa la tilmaamay in dhacdadaasi ay horseedday in ay aad hoos ugu dhacdo bulshadii xilligaas dunida ku nooleyd, walow arrintaasi dhawaan su'aal laga keenay.

Hasayeeshee suuragalnimada in ay dhacdo foolkaano wayn ay tahay mid argagax leh, haddana ma ahan inaynu aad u walwalnaa. Foolkaanayaasha waa weyn iyo musiibooyinka kale ee dabiiciga ah, sida meerayaasha sare ka soo dhaca ama xidigaha hawada sare fallaaraha ku gana, ayaanay u badanayn inay dhacaan sanadkan 2019 ama mid kalaba.

Halis sii kordheysa

Hay'adda Caafimaadka Adduunka iyo Shirka Dhaqaalaha Aduunka, ayaa labaduba waxay u diiwaangeliyeen isbeddelka cimillada iyo saameyntiisa inuu yahay mid ka mid ah halisaha ugu waaweyn sanadka 2019.

Wadahadalkii ugu dambeeyay ee Qaramada Midoobay ayaa lagu dhageystay in isbeddelka cimillada ay gooba badan oo caalamka ah ka tahay '' xaalad nolol iyo geeri ah''.

Xilli dad badan, sida Sir David Attenborough, uu rumeysan yahay inay sababi karto burburka ilbaxnimada iyo baaba'a ''waxyaaba badan oo caalami ah''.

Khataraha ayaa ah kuwa badan oo kala duwan, laga bilaabo kuleelka loo dhinto, xaaladaha badaha ilaa macluusha baahsan iyo tahriibka oo ah waxyaabo xooggan.

Sidoo kale waxaa sii kordhaya khataraha ka imaanaya tiknolojiyadda sida garaadka uu dadka sameeyo ee kumbuyuutarrada.

Khatar kale ayaa ah suuragalnimada dagaal la isku adeegsado hubka nukliyeerka.

Xilli dad badan ay diirrada saarayaan xiisadaha u dhexeeyo quwadaha caalamka, ayaa tiknolojiyadda cusub ee caalamka waxaa laga yaaba in sidoo kale ay naga dhigeyso kuwa amni aan ahayn.

Tani ayaa la xiriirta isqabqabsiga hubka ee uu muranka badan ka dhashay ee nukliyeerka iyo is-haysadkii qadiimiga ahaa taasi oo ay ahayd halis keeni karta dagaal hubka nukliyeerka.

Hergabka Avian oo layli lagu sameynayo magaalada Hebi, ee waddanka ShiinahaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionHergabka Avian oo layli lagu sameynayo magaalada Hebi, ee waddanka Shiinaha

Halis kale ee sii kordheysa ayaa ah xanuunada ka dilaacay caalamka, sida hargabka darran kaasi oo la rumeysanyahay inuu dilo ku dhawaad 700,000 kun oo qof, ayna ku baxdo ka hortagiisa qarash gaaraya $500 oo bilyan oo doolar sanad walba.

Khatar kale ayaa laga yaabaa inay tahay xanuunada aanan la dawyen karin.

Kororka walxaha sumeysan iyo kobaca dadka ayaa horseedi kara in la arko hargabkaasi oo si sahlan ku baaho.

Tanina waxay sare u qaaday walaaca la xiriira in mustaqbalka uu dilaaco hargab la mid ah kii Spain ka dilaacay sanadkii 1918 kaasi oo ay u dhinteen 50 milyan oo qof.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, baahinta barnaamijyada tallaalka iyo in la qaado tallaabooyin kale oo looga hortegayo xanuunka ayaa qeyb ka qaadan karta hoos u dhigda halisan.

Presentational grey line

Sida lagu heli karo fursadaha lagu ogaado khataraha jira

  • Eeg diiwaanka taariikhda iyo cilmiga deegaanka. Waxaan eegi karnaa dhacdooyinka qaar sida foolkaanada xad dhaafka ah iyo saameynteeda dhulka.
  • In la helo waxyaabo dabiici ah. Saynisyahannada ayaa ogaaday in walxaha halista ay keeni karto, waxay u egyihiin walxahaan waxyaabo bii'ada laga helo oo dayaxa u eg.
  • Tusaale sameyn. Seynisyahannada ayaa adeegsada qalab casri ah si loogu sahmiyo cimillada mustaqbalka bani'aadamka.
  • Dowladda UK ayaa sidoo kale sameysa diiwaangelinta halista qaran, sida fatahaadaha, cimillada hawada iyo xanuunada dilaaca.
Boor ka dhashay foolkaano ayaa waxa uu sababay in la hakiyo duulimaadyadii daafaha dunida isaga kala goosahayay sanadkii 2010Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionBoor ka dhashay foolkaano ayaa waxa uu sababay in la hakiyo duulimaadyadii daafaha dunida isaga kala goosahayay sanadkii 2010

2010 foolkaanadii ka qaraxday deegaanka Eviafjallajokull ee waddanka Iceland ayaanay cidina ku dhiman, hasayeeshee waxa ay muddo lix maalmood ah xirtay isu socodkii hawada ee qaaradda Yurub.

2017, weerrarkii dhanka internerka ee WannaCry ayaa waxa uu sababay in qeyb ahaan la joojiyo shaqada ay qabato hay'adda NHS iyo hay'ado kale oo ku yaal dunida dacaladeeda.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip