IGAD Oo Taageertay Baaqii Midowga Afrika Ee Somalia Looga Cafin Lahaa Daymaha Caalamiga

0
Saturday February 16, 2019 - 12:18:32 in Wararka by
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    IGAD Oo Taageertay Baaqii Midowga Afrika Ee Somalia Looga Cafin Lahaa Daymaha Caalamiga

    Xoghayaha Guud ee Urur-gobaleedka IGAD, Maxbuub Macallim ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Baaqaasi iyo in Somalia laga cafiyo Daymaha Caalamka, wuxuuna xusay in baab'inta daymahaasi ay hagaajin karto nolosha dadka Soomaalida oo iyagu dhibaatoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Guud ee Urur-gobaleedka IGAD, Maxbuub Macallim ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Baaqaasi iyo in Somalia laga cafiyo Daymaha Caalamka, wuxuuna xusay in baab'inta daymahaasi ay hagaajin karto nolosha dadka Soomaalida oo iyagu dhibaatooyin kala kulmay colaadihii iyo burburkii ay horey u soo mareen 30-kii sanno ee la soo dhaafay. Hadal-qoraal oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in cafinta Daymahaasi micnaheedu tahay mid horseedi karta Nabadda, Horumarka, Ammaanka iyo in xal xooggan loo helo Barakacayaasha Soomaalida.

 
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Urur-gobaleedka IGAD, Maxbuub Macallim waxa kale oo uu tilmaamay inay taageerayaan dadaalka Somalia ee Nabadda iyo horumarinta xilliga dheer, wuxuuna mar kale ugu baaqay dadka Soomaalida inay ka faa’ideystaan Nabadda iyo Barwaaqadda Somalia.

Baaqa IGAD ayaa soo baxay, iyadoo ay Hoggaamiyayaasha dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika si wadajir ah ugu baaqeen in dalka Somalia laga cafiyo Daymaha Caalamiga ee lagu laahaa.

Hay’adda Lacagaha adduunka ee IMF waxay horey u sheegtay in Daymaha Somalia ay ku leeyihiin dalalka Caalamka ay gaarayso 5 Billion oo Dollar.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip