Puntland Oo Warbaahinta Ka Qarisay Xogta Meydka Maariyihii Shirkadda DP World Ee Boosaaso & Goorta La Aasayo Oo La Shaaciyay

0
Saturday February 16, 2019 - 11:52:59 in Wararka by
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Warbaahinta Ka Qarisay Xogta Meydka Maariyihii Shirkadda DP World Ee Boosaaso & Goorta La Aasayo Oo La Shaaciyay

    Qoyska uu ka dhashay Maareeyihii hore ee Dekadda Magaalada Boosaaso Paul Formosa, ayaa shaaciyay waqtiga la aasayo Paul oo billowgii bishan lagu dilay Magaalada Boosaaso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoyska uu ka dhashay Maareeyihii hore ee Dekadda Magaalada Boosaaso Paul Formosa, ayaa shaaciyay waqtiga la aasayo Paul oo billowgii bishan lagu dilay Magaalada Boosaaso.


Paul Formosa, oo ahaa Maareeyaha Dekadda Magaalada Boosaaso ee Sharikadda DPWorld ee laga leeyahay Imaaraadka ayaa waxaa toogtay qof ka tirsan Al-shabaab.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in qof loo qabtay dilkaasi uu Isbitaalka ku geeriyooday isaga oo dhaawac ah.

Qoyska Paul Formosa ayaa warbaahinta uga mahad celiyay sida ay u ilaaliyeen xogta la xiriirta dilkiisa,xilliga laga qaaday Soomaaliya ee la geeyay dalkiisa iyo waliba in xogta ku saabsan meydkiisa ay uga dambeeyeen qoyska oo kali ah.

Puntland oo warbaahinta ka qarisay xogta meydka Maariyihii Shirkadda DP World ee Boosaaso & Goorta la aasayo oo la shaaciyay


Xubno ka mid ah qoyska Paul Formosa, ayaa sheegay in Khamiistii la soo dhaafay lagu celiyay Dalkiisa Malta, islamarkaana Isniinta soo socota lagu aasayo Kaniisadda ST Anne ee Magaalada Marsaskala ee Dalka Malta.

Xarakada Al-shabab ee Soomaaliya ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka Paul Formosa, oo ahaa Maareeihii Dekadda Boosaaso oo wakiil ka ahaa sharikadda DPWorld.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip