Luuqad ay 800 oo qof ku hadlaan oo dhawaan la qoray
- Mudaaharadyo luuqad la xiriira oo ka socda magalo Cameroon ku taalla
- Akadeemiyada BBC oo billowday macluumaad loogu talagalay suxufiyiinta
- Mudaaharaadka Itoobiya: Maxaa keenay dhibka Gondar
Bulshada luuqaddaan ku hadasha waxa ay awoow-yaashood jasiiradda Qubrus Yimaadeen qarnigii 8-daad waxa ayna ka soo haajireen waddamada Suuriya, Lubnaan iyo Falastiin.
Haweeneey da'ah oo lagu magacaabo Eleni oo iyadana ka mid dadka deggan tuulada Kormakitis ayaa sheegeysa in tuuladaan ay ku dhalatay oo la'igu guday sidoo kalana lagu guursaday isla tuuladaan.
''Tuuladaan ayaan ku noolaa weligey ilaa iyo inta aan da'dan ka soo gaarayay, waxaana halkaan ku duugan seeygeyga, marka aan anigu geeriyoodana waxa aan doonayaa in la'igu duugo qabri dhinaca ku haya kan seeygeeyga uu ku duugan yahay''. Ayay tiri Eleni.
Qofka ugu yar ee luuqadda Sanna ku hadlo waxa jiraa 50 sano. Dadka tuuladaan ayaa ka qaxay markii Turkiga uu qabsanayay jasiiradda Qubrus sannadkii 1974-tii.
Haatan koox ah, dadka luuqadaha badan ku hadla ayaa biloowday in ay luuqadda Sanna u sameeyaan alifbeeto, waxaana haatan lagu hawlan yahay in luuqadaan laga turjumo buugaagta ku qoran luuqadaha kale.
XIGASHO:-BBC
Luuqad ay 800 oo qof ku hadlaan oo dhawaan la qoray
Luuqadda Sanna ayaa ah luuqad carabi iyo Aramaic oo isku dhaf ah, waxaana looga hadlaa tuulada Kormakitis, oo ku taalla jasiiradda Qubrus waxa ayna hay'adda Unesco dhawr jeer sheegtay in luuqaddaasi ay halis ugu jirto in ay qadka ka baxdo. Ha