Shabaab oo sheegtay saddex askari oo Mareykan inay ku dileen duqeyn

0
Saturday February 16, 2019 - 09:54:42 in Wararka by
  • Visits: 266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab oo sheegtay saddex askari oo Mareykan inay ku dileen duqeyn

    Xoogaga Shabaab ayaa sheegtay weerarkii Madaafiicda ee ay ku qaaden Xerada Ciidamada Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha hoose inay ku dileen saddex askari oo Ciidamada Mareykanka ka tirsan. Saldhiga Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobolka Sha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Shabaab ayaa sheegtay weerarkii Madaafiicda ee ay ku qaaden Xerada Ciidamada Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha hoose inay ku dileen saddex askari oo Ciidamada Mareykanka ka tirsan. Saldhiga Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha hoose, waxaa ku sugan Ciidamada Mareykanka ee Somaliya ka hawlgala, kuwaasi oo Saldhig wayn halkaasi ku leh.


Al Shabaab waxa ay sheegteen madaafiicda oo gudaha Saldhiga ku dhacay inay ku dhinteen saddexdaasi Askari oo mid ka mid uu yahay Taliye sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay kaloo sheegeen in halkaasi dhaawac uu ka soo gaaray Shan askari oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee Saldhigaasi ku sugnaa.

Ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Al Shabaab oo xaqiijinaya in khasaarahaasi uu soo gaaray Ciidamada Mareykanka ee Saldhigaasi ku sugan ee Madaafiicda shalay lagu weeraray.

Guutada Shabaab ee dhanka Madaafiicda u qaabilsan, ayaaka dambeeyay weerarkii Madaafiicda ku bilowday ee shalay lagu qaaday Saldhiga Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha hoose.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip