Labada Musharax ee ugu cad-cad doorashada Nigeria oo baaq isku mid ah diray.

0
Saturday February 16, 2019 - 00:06:01 in Wararka by
  • Visits: 290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labada Musharax ee ugu cad-cad doorashada Nigeria oo baaq isku mid ah diray.

    Ka hor inta aan la qaban doorashada dalka Nigeria Sabtida, ayaa labada hogaamiye oo ugu sarreeya tartanka waxa ay ku dhawaaqeen in ay codeynta ay u dhacdo hab nabadgelyo ah. Waxa ay sheegeen in labadabu ay ka go'antahay in codeynta ay noqoto mi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka hor inta aan la qaban doorashada dalka Nigeria Sabtida, ayaa labada hogaamiye oo ugu sarreeya tartanka waxa ay ku dhawaaqeen in ay codeynta ay u dhacdo hab nabadgelyo ah. Waxa ay sheegeen in labadabu ay ka go'antahay in codeynta ay noqoto mid aan wax dhib ka dhicin, iyagoo mid kastaa uu u muujinayay kalsooni xad dhaaf ah, marka ay ka hor hadlayeen kumanaan taageerayaashood ah. Madaxweynaha talada haya Mohamudu Buhari iyo Atiku Abubakar oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ah labada shakhsi ee loo badinayo in ay ku guuleystaan xilka ugu sareeya Nigeria.


Doorashada Sabtida berri ah waxaa loo arkaa mid ka mid ah kuwa ugu dhow dimoqraadiyadda Afrika, Buhari wuxuu wajahayaa caqabad adag oo kaga imaaneysa Atiku, oo ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaa

Labada musharax ee ugu muhiimsan waxay ku dhaarteen in ay hagaajinayaan dhaqaalaha, iyo amniga sidoo kalana ay u abuuraan shaqooyin badan waddanka ugu tirada badan dadkiisa qaarada Afrika.

Malaayiin qof ayaa isku diyaarinaya in codkooda ku taageeraan musharaxa ay hadba calanka u lulayaan oo ay is leeyihiin wax badan buu ka badelayaa xaalka Nigeria, iyadoo boqolkiiba 5 dadka dooranaya ay da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 35 jir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip