Dadka ayaa wadooyinka ku gubaya taayaro, iyaga oo qaar kamida wadooyinkaas u diiday in ay maraan gawaarida, waxaana jirtay marar badan isku dhacyo dhex maray iyaga oo ciidamda ammaanka.

Moise dadkiisa waxa ay ku eedeenayaan in uu ku kacayy lunsasho hanta dadweyne, dadka ayaana ah kuwa ku dhawaaqana "Moise is casil Fadlan”.

Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa ku eedeeyay madaxweyneMoise inuu geystay musuq maasuq, waxaa ay ugu baaqeen inuu xilka iska casilo.

Cabsi xooggan ayaa ka taagan dalkaasi oo ah in dadka dhigaya Mudaaharaadyada dhigaya ay rabshao kiciyaan, dalalka Brazil, iyo Mareykanka ayaa muwaadiniinta ugu baaqay in si deg deg ah ay kaga soo baxaan Haiti, halka Canada-na ay si ku meel gaar ah ay u xirtay Safaaradii ay ku lahayd dalkaas.