Haweeney Dil Loogu Geystay Magaaada Muqdisho

1
Friday February 15, 2019 - 23:50:04 in Wararka by
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney Dil Loogu Geystay Magaaada Muqdisho

    Askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta ku dilay Xaafadda Jungal Degmadda Yaaqshid ee Gobolka Banaadir Haween lagu magacaabi jirey Fardowso Abuukar Maxamed. Haweeneyda la dilay ayaa waxa ay Aheyd Haweeney haysatay lab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta ku dilay Xaafadda Jungal Degmadda Yaaqshid ee Gobolka Banaadir Haween lagu magacaabi jirey Fardowso Abuukar Maxamed. Haweeneyda la dilay ayaa waxa ay Aheyd Haweeney haysatay labo caruur ah Sida ay warbaahiinta u xaqiijiyeen dad ka agdhaawaa goobta uu dilkaasi kadhaacay.

askari ka Tirsan Ciidamadda dowladda Somaaliya oo lagu magacaabo Bulxan ayaa geystay dilka,wuxuuna u adeegsaday dilkeeda Bastooladd.

Waxaa la sheegay in uu doonayay askariga in dhalinyaro kubad ku ciyaaraysay Xaafadda uu kala ceyriyo balse ay gabadha ka hor istaagtay,taasina waxa ay keentay in uu iyada toogto.

Askariga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday waxaana socda baaritaano lagu baadigoobayo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip