Liverpool Oo U Soo Baxday Finalka Capital One Cupka, Reds Oo Rekoodhayaal Ku Garaacday Kooxda Stoke City Iyo Wiilasha Klopp Oo Tigidhka U Goostay Wembley Stadium

0
Wednesday January 27, 2016 - 10:10:55 in Sports News by
  • Visits: 759
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool Oo U Soo Baxday Finalka Capital One Cupka, Reds Oo Rekoodhayaal Ku Garaacday Kooxda Stoke City Iyo Wiilasha Klopp Oo Tigidhka U Goostay Wembley Stadium

    Liverpool ayaa u soo baxday finalka Capital One Cupka kadib markii ay rekoodhayaal 6:5 ah ku garaacday kooxda Stoke City. Waqtigii rasmiga ahaa iyo 30 daqiiqo oo ciyaarta lagu daray ayaa ku dhamaaday 1:0 ay Stoke gacanta sare ku lahayd laakiin natiij

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool ayaa u soo baxday finalka Capital One Cupka kadib markii ay rekoodhayaal 6:5 ah ku garaacday kooxda Stoke City. Waqtigii rasmiga ahaa iyo 30 daqiiqo oo ciyaarta lagu daray ayaa ku dhamaaday 1:0 ay Stoke gacanta sare ku lahayd laakiin natiijada celcelis ahaanta ahayd ayaa ku dhamaatay barbaro 1:1 ah maadaamo ay Liverpool 1:0 ku soo guulaysatay kulankii lugta hore. Joe Allen ayaa Reds guusha u horseeday halka Mignolet uu

dhamaadkii rekoodhayaasha badbaadiyay rekoodhe uu tuurayMarc Muniesa Martínez.Liverpool ayaa finalka la ciyaari doonta midkii soo baxa Everton iyo Manchester City.

Liverpool ayaa Anfield ku soo dhawaysay kooxda Stoke City kulanka lugta labaad ee Capital One Cupka, waxayna Reds ku hamiyaysay in ay tigidhka u goosato finalka Capital One Cupka oo ka dhici doona Wembley Stadium. Kulankii luga hore ee Capital One Cupka ayaa ku soo dhamaaday 1:0 ay Liverpool guul ku soo gaadhay laakiin kulaka Anfield ayaa ahaa kulanka go’aaminayay kooxda finalka iman kartay.reds

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ku taamayay in uu Liverpool u soo saaro finalkiisii ugu horeeyay inkasta oo uu muddo kooban joogay kooxda Reds, isaga oo maanka ku hayay in ku guulaysiga Capital One Cupka uu wanaajin karo xili ciyaareedkan Liverpool iyo waayihiisa cusub ee Anfield.

Tababare Klopp ayaa shaxdiisa ku bilaabay da’yarka waqti dheer maqnaa ee Flanagan iyada oo uu kulankan seegay Clyne oo tababarkii shalay ee Reds ku seegay jug ka soo gaadhay jilibka, waxaana difaaca dhexe kuwada jira Klolo Toure iyo Mamadou Sakho .

Shaxaha labada kooxood ee ee kulankan:

Dhinaca kaleArnautovic iyo Crouch ayaa safka weerarka Stoke City kuwada bilawday halka kursiga kaydka la dhigay Shaqiri, waxayna Stoke ku soo gashay shax weerar xoogan ah.

Liverpool:Mignolet, Flanagan, Toure, Sakho, Moreno, Lucas, Can, Henderson, Milner, Lallana, Firmino.

Kaydka:Ward, Lovren, Benteke, Allen, Ibe, Teixeira, Smith.

Stoke City: Butland; Johnson, Wollscheid, Muniesa, Pieters; Whelan, Afellay; Walters, Bojan, Arnautovic; Crouch

Kulakan ayaa ahaa kulan adag oo ay labada kooxood taxadar badan ay muujinayeen gaar ahaan Liverpool oo doonaysay in ay ilaashato goolkii ay kulankii hore guusha ku soo gaadhay. Laakiin Stoke City ayaa kulankan ku soo shirtagtay shax weerar xoogani ay hogaaminayaan iyada ooWalters, Bojan, Arnautovic iyo Crouch ay dhamaantood weerarka Stoke ka ciyaarayeen.

Ilaa intii laga soo gaadhayay daqiiqadii 23 aad may jirin wax fursad gool lagu dhalin lahaa laakiin waqtigan Stoke City ayaa heshay fursada ciyaarta ugu fiicnayd iyada ooWalters uu ku dhawaaday in uu Stoke hogaanka u dhiibo kadib markii uu ka daba baxay Sakho iyo Kolo Toure laakiin darbadiisa ayaa goolka Liverpool hormartay.

Ciyaarta ayaa waqti kale oo dheer bilaa fursad ahayd iyada oo inta badan khadka dhexe laysku haystay, balse daqiiqadii 34 aad ayay Liverpool heshay fursadeeda ugu fiicnayd qaybtii hore ee kulankan, waxaana darbo xoogan oo gantaal ah goolka Stoke ku tuuray Emire Can kaas oo meel 25 yards u jirtay goolka Stoke ka tuuray kubbad cajiib ah laakiin dadalka xidiga ree Germany ayaa birta wax yar u maray.

Intii lagu jiray hal daqiiqo oo ciyaarta lagu daray ayay Stoke City heshay goolka ay rajadeeda ku soo noolaysay kadib markii uuMarko Arnautović uu Stoke udhaliyay gool muran badan keenay isla markaana umuuqday in uu offside ahaa, wuxuuna ciyaarta ka 1:0 ay Stoke hogaanka kula wareegtay.2

Marko Arnautović ayaa si cadaan ah ugu jiray offside ka hor inta aanu kubbad ka helin Bojan laakiin calwadaha ayaan waxba tilmaamin, ciyaartoyda Liverpool ayaa goolka ka gadooday balse wax jawaab ahi kamay iman garsooraha iyo caawiyaashiisa sidaana waxaa sharci lagaga dhigay gooka uu offside-ka ku dhaliyayMarko Arnautović .Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay Stoke hogaanka ku haysay halka natiijada celcelis ahaanta


ahay ay noqotay barbaro 1:1 ah

.22

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Liverpool soo laabatay iyada oo dardar fiican ku socotay isla markaana raadinaysa sidii ay ula iman lahayd goolka barbaraha, waxayna markiiba heshay fursado fiican laakiin daqiiqadii 48 aad Reds ayaa ku dhawaatay in ay la timaado goolka barbaraha kadib markii uu Firmino goolhayaha Stoke ee Butland uu ku sababay in uu sameeyo badbaadin fiican.

Markan ciyaarta ayaa noqotay mid ka xiiso badan isla markaana ka fursad abuuris badan sidii ay ahayd qaybtii hore ee ciyaarta, iyada oo sidoo kale Stoke ay bilawday in ay raadiso goolkeeda labaad.Stoke City ayaa dhibaato badan difaaca Liverpool ugu abuuraysay kubbadaha dhaa dheer iyo marka ay hesho koornayaasha.

Daqiiqadii 61 aad Stoke City ayaa heshay fursad cajiib ah iyada oo Walters uu darbo fiican ka tuuray xerada ganaaxa Liverpool dhexdeeda isaga oo waliba wax yar u jiray Mignolet laakiin Sakho ayaa kooxdiisa badbaadiyay isaga oo si fiican u daboolay darbada Walters.

Ciyaarta ayaa noqotay mid aan la saadaalin karin laakiin ciyaarta ayaan noqon mid wax goolal ah layska dhaliyay balse daqiiqadii 85 aad ayay Liverpool ku dacwootay in ay rekoodhe heshay kadib markii uu xidiga Stoke eePieters uu gacanta ku taabtay kubbad isaga oo xerada kooxdiisa ku jiray laakiinJ. Moss ayaan waxba tilmaamin in kasta oo ay gacantu ahayd mid cadaan ah, Stoke ayaana nasiib ku lahayd in aan rekoodhe lagu dhigin. Ugu danayn waqtiga rasmiga ahaa ee 90 kii daqiiqo ee ciyaarta ayaa ku dhamaaday 1:0 ay Stoke hogaanka ku haysay basle celcelis ahaan natiijada ayaa ahayd barbaro 1:1 ah sidaa daraadeed waqti dheeraad ah ayaa ciyaarta lagu daray.

Waqtigii dheeraadka ahaa:-

Markiiba Liverpool ayaa fursadeeda ugu horaysay heshay iyada Benteke uu kubbad qurux badan u soo joojiyay Firmino laakiin goolhaye Butland ayaa darbo fiican oo uu goolka Stoke ku bartilmaameedsaday Firmino iska badbaadiyay.

Daqiiqadii 7 aad ee waqtiga dheeriga ahayd ayay dhibaato dhaawac soo gaadhay Stoke City iyada oo ciyaarta laga saaray Adam oo marka horeba ciyaarta badal ku soo galay waxaana lagu soo badalay Van Ginkel.Bentke aya daqiiqadii 9 aad Reds ka lumiyay fursad qaali ahayd isaga oo kubbad fiican ku helay cidhifka xerada ganaaxa Stoke basle xidiga ree Belgium ayaa kubbada la daahay.

Ciyaarta ayaa marba marka ka danbaysa u sii adkaanaysay daqiiqadii 14 aad ciyaarta ayaa u muuqatay in lagu kala baxay kadib markii ay Stoke heshay fursada ay ciyaarta hurdada ugu diri gaadhay kadib markii uuVan Ginkel uu birta u garaacday Liverpool isaga si cajiib ah uga dhex baray difaaca Liverpool laakiin ciyaarta ayaa sii ahayd mid furan, wuxuuna makale waqtiga nasashada kooban ee waqtiga dheeriga ahi uu ku dhamaaday 1:0 ay Stoke hogaanka ku haysay.

Qaybta labaad ee waqtiga dheeriga ahayd ayaa labada kooxood taxadar dheeraad ah lagu soo dardaaray iyada oo sidoo kale laga doonayay goolka guusha.Laakiin Stoke ayaa bilawday in ay difaac gasho si ay ugu yaraan ciyaarta ugu sababi karto in rekoodhayaal lagu kala baxo.Liverpool ayaa markan ahayd kooxda weerarka ugu badan ku raadinaysay goolka guusha.

Laakiin daqiiqadii 23 aad Stoke ayaa weerar deg deg ah Liverool dhibaato ugu abuurtay iyada oo Crouch uu ku sigtay in uu ugaadhsado kooxdiisii hore ee Reds laakiin difaaca Reds ayaa dirqi halista isaga saartay sidoo kale markaleVan Ginkel ayaa wadnaha goyn gaadhay jamaahiirta Liverpool balse darbo fiican uu helay ayuu Mignolet badbaadiyay.Ugu danbayn waqtigii dheeriga ahaa ayaa isaguna ku dhamaaday isla natiijada hore taas oo keentay in labada kooxood lagu kala saaro rekoodhayaal.

Natiijada rekoodhayaasha:

Jonathan Walters ayaa rekoodhada ugu horeeyay udhalyay Stoke halka Adam Lallana uu u jawaabay laakiin Petr Crouchayuu Mignolet ka badbaadiyay rekoodhadiisa halkaEmire Can ay darbadiisa rekoodhe ku dhacday birta goolka, whelan ayaana rekoodhada saddexaad Stoke udhaliyay iyada oo Benteke uu isaguna si qurux badan oo degan uu rekoodhadiisa udhaliyay. Ibrahim Afellay ayaana Stoke u sii waday dhalinta rekoodhayaasha iyada oo Farmino uu markiisa shabaqa soo taabtay. Shaqiri ayaa rekoodhada shanaad ee Stoke dhalkiyay iyada oo markan la sugayay rekoodhaha shanad ee Reds waxaana isku soo taagay James Milner kaas oo si fiican waajibaadkiisa uga soo baxay. shantii rekoodh ayaa wali noqday 4:4 .Mignolet

Waxaa rekoodhayaasha sii waday Van Ginkel kaas oo si fiican rekoodhadiisa udhaliyay waxaana ka jawaabay Lucas oo Reds rekoodhadiisa saxiixay.Mignolet ayaa markale rekoodhe badbaadiyay isaga oo Marc Muniesa Martínez si fiican rekoodhiisa u badbaadiyay, waxayna masuuliyada guusha Liverpool garbaha laga saaray Joe Allen kaas oo sidii la rabay shaqdiisa u qabsaday wuxuuna sidaa kudhaliyay rekoodhada ay Liverpool guusha ku raacday isla markaana ay ugu soo baxday finalka Capital One Cupka waxayna ku dhamaatay 6:5 ay Reds ugu danbayn ku garaacday Stoke City.AllenRedssLiver



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip