Hordhac: Man City v Everton – Ayaa Finalka Capital One Cup Kula Soo Biiri Doona Liverpool Caawa?

0
Wednesday January 27, 2016 - 10:08:45 in Sports News by
  • Visits: 782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Man City v Everton – Ayaa Finalka Capital One Cup Kula Soo Biiri Doona Liverpool Caawa?

    Kulanka: Man City v Everton Garoonka: Etihad Stadium Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika Man City ayaa u baahan inay ka soo kabsato jugtii soo gaartay horaantii bishaan ee lugta hore ee semi-finalka Capital One Cup haddii ay doonayaan inay fi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Man City v Everton Garoonka: Etihad Stadium Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika Man City ayaa u baahan inay ka soo kabsato jugtii soo gaartay horaantii bishaan ee lugta hore ee semi-finalka Capital One Cup haddii ay doonayaan inay finalka koobkaan Wembley kula ciyaaraan kooxda Liverpool oo xaqiijisatay booskeeda finalka xalayto.

Everton ayaa lugtii hore ee ka dhacday Goodison Park ku badisay 2-1 ka dib goolal ka kala yimid Ramiro Funes Mori iyo Romelu Lukaku. Markii ugu danbeysay ee ay final gaaraan waxa ay aheyd 1984tii markaasoo ay ka qaaday Liverpool, halka Man City ay koobkaan hanatay sannadii 2014.

Manchester-city-Vs-Everton

MAXAA CUSUB?

Tababaraha Manchester City Manuel Pellegrini ayaa sheegay in goolhaye Willy Cabellero inuu goolka ka bedeli doono Joe Hart kulanka lugta labaad ee semi-finalka League Cup ee caawa ka dhacaya Etihad Stadium ee ay la ciyaarayaan Everton.

Eliaquim Mangala, Vincent Kompany, Aleksandar Kolarov, Wilfried Bony iyo Samir Nasri ayaa dhamaantood dhaawacyo ku maqan.

Everton oo 21 ku hogaamineysa ka dib guushii lugtii hore ayaa waxaa ka maqan labo ciyaaryahan oo fure u ah.

Xiddiga khadka dhexe Muhamed Besic iyo xiddiga garabka ka ciyaara Kevin Mirallas ayaa dhaawacyo ay ka soo gaareen kulankii Premier League ee ay axadii la ciyaareen Swansea.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Man City: Caballero; Sagna, Demichelis, Otamendi, Clichy; Delph, Toure; De Bruyne, Silva, Navas; Ageuro.

Everton:Robles, Coleman, Jagielka, Stones, Baines, Cleverley, Barry, Deulofeu, Barkley, Kone, Lukaku.

MA OGTAHAY?

  • Manchester City ayaa hal mar kaliya ka soo laabatay guuldarro soo gaartay lugta hore ee semi-finalka si ay u gaaraan finalka. Waxa ay 4-0 ku garaaceen Middlesbrough sannadii 1976 ka dib markii lugtii hore looga soo badiyay 1-0. City ayaa sannadkaas hanatay koobka.
  • Tani waa markii labaad ee shan jeer oo ay ka soo muuqdeen semi-finalka League Cup oo ay Everton hogaanka heyso ka hor lugta labaad. Waxa ay lugta hore garaaceen Aston Villa sannadii 1984 iyagoo sannadkaas gaaray finalka.
  • Kooxda Citizens marnaba gurigeeda guuldarro kama aysan soo gaarin Everton kulan koobabka maxaliga ah, inkastoo markii ugu danbeysay ee ay martigeliyaan Everton koob maxali ah ay aheyd FA Cup bishii March 1981.
  • Romelu Lukaku ayaa dhaliyay afar gool shan kulan uu saftay League Cup xilli ciyaareedkan.
  • Lugtii hore, Jesus Navas ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee Manchester City ee tan iyo bishii September 2014, waxaana uu goolkaas sugayay 66 kulan oo tartamada oo dhan oo ay kooxda ciyaartay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip