Jurgen Klopp Oo Daawaday Kooxdiisa Liverpool Oo U Soo Baxday Finalka Wembley Balse Qirtay: Ma Aanan Daawanin Xitaa Hal Rigoore.

0
Wednesday January 27, 2016 - 10:06:18 in Sports News by
  • Visits: 724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jurgen Klopp Oo Daawaday Kooxdiisa Liverpool Oo U Soo Baxday Finalka Wembley Balse Qirtay: Ma Aanan Daawanin Xitaa Hal Rigoore.

    Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay inuusan arkin xitaa hal rigoore kulankii ay xalayto ka badiyeen Stoke City ee keentay inay kooxdiisa u soo baxo finalka Capital One Cup ee Wembley, laakiin waxa uu isha ku hayaa inuu qaado koobkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay inuusan arkin xitaa hal rigoore kulankii ay xalayto ka badiyeen Stoke City ee keentay inay kooxdiisa u soo baxo finalka Capital One Cup ee Wembley, laakiin waxa uu isha ku hayaa inuu qaado koobkiisii ugu horeysay tan iyo markii uu yimid Anfield.

Liverpool ayaa rigoore 6-5 kaga badisay kooxda Stoke ka dib markii ay Stoke 1-0 ku badisay 120kii daqiiqo ee la ciyaaray. Goolhayaha Reds Simon Mignolet ayaa sameeyay labo bad-baado isagoo rigoore ka beeniyay Peter Crouch iyo Marc Muniesa.

_87944092_klopppa

Klopp ayaa yiri: "Ma aanan arkin xitaa hal rigoore. Waxaan ku gabanayay darbiga ciyaartoydeyda, sidaasi darteed halkaas ayaan kala socday. Waxaan ka daawan doonaa telefishinka gurigeyga, laakiin waxaa iigaga fiicneyd inaan falcelinta taageerayaasha daawado.”

Liverpool ayaa wajihi doonta midkood Manchester City ama deriskooda Everton finalka la ciyaari doono 28ka bisha Febraayo, Klopp ayaa yiri: "Waxaan rajeynayaa inaan ku guuleysano islamarkaana aan habeen fiican ku qaadano magaalada London.

"Aad ayay u muhim u tahay. Waxaan taas ka arkay wajiyada ciyaartoydeyda, laakiin waqti xaadirkaan ma ahan inaan wax badan ka hadalno sababtoo ah inaan finalka joogno waa wax fiican laakiin muhiimada waa inaan ku guuleysano. Goolkooda waxa uu ahaa offside cad laakiin nasiib ayaan ku laheyn gool ku laadyada.

"Waxaa heysanaa suurtogalnimada aan ku guuleysan karno finalka. Haatan waxaan daawan doonaa kulanka u dhaxeeya Everton iyo Manchester City. Waxa ay noqon doonaa final u dhaxeeya kooxaha waqooyiga England ka dhisan. Wembley waa meel ku fiican in kubad lagu ciyaaro laakiin waxaan halkaas u aadeynaa inaan ku soo badino, uguma socono inaan soo guuldareysano.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip