The Independent: Mushkilada Heysata Man United Oo Keentay Inuu Burburo Heshiis 100 Milyan Ginni Ah Oo Ay Kula Soo Wareegi Lahaayeen Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Real Madrid.

0
Tuesday January 26, 2016 - 11:08:59 in Sports News by
  • Visits: 1133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    The Independent: Mushkilada Heysata Man United Oo Keentay Inuu Burburo Heshiis 100 Milyan Ginni Ah Oo Ay Kula Soo Wareegi Lahaayeen Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Real Madrid.

    Riyadii Manchester United ee aheyd inay Gareth Bale ku soo celiyaan Premier League ayaa noqoneysa mid marba marka xiga sii fogaata sida ay saaka qortay jariirada Ingariiska ee The Independent.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Riyadii Manchester United ee aheyd inay Gareth Bale ku soo celiyaan Premier League ayaa noqoneysa mid marba marka xiga sii fogaata sida ay saaka qortay jariirada Ingariiska ee The Independent.

Wargeyska ayaa sheegaya in heshiis 100 milyan ginni ah oo jabin lahaa lacagtii rikoorka aheyd ee ay Real Madrid uga soo iibsatay Tottenham inuusan haatan dhaqangeli doonin, inkastoo xiddiga reer Wales lagu waramayay inuu si adag uga fekeray musaqbalkiisa xagaagii hore.
tumblr_o1j5mqlFpE1u5f06vo1_1280

Wargeyska The Independent ayaa qoray warkaan sida aad ka aragto sawirka bogooda hore ee ciyaaraha.

Xaalada qasan ee ka jirta Old Trafford iyo hubanti la’aanta mustaqbalka Louis van Gaal iyo cabsida laga qabo inaysan kooxda u soo bixin Champions League xilli ciyaareedka danbe ayaa keentay in Bale uu ka baaqsado inuu u dhaqaaqo United, waxaana uu u baahnaan doonaa in loo balanqaado in kooxda sidii hore lagu soo celinayo ka hor inta uusan ogolaanin inuu England ku laabto.

Tababaraha kooxda Manchester United Louis van Gaal ayaa si weyn loo hadal hayaa inuu isaga tagayo shaqada kooxda iyadoo cadaadis badan uu wajahayo, laakiin weli ma kala cada haddii la ceyrin doono ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka ama haddii fursad la siin doono ilaa iyo xagaaga.

Gareth Bale ayaa dhanka kale isna u muuqda mid ku faraxsan caasimada Spain inkastoo saxaafada Ingariiska ay had iyo jeer qorto inuu doonayo inuu ku soo laabto Premier League, laakiin iyadoo Real Madrid ay wajaheyso ganaax dhanka suuqa kala iibsiga ah uma muuqato caqligal inay iska iibiyaan mid ka mid ah xiddigaha ugu waa weyn kooxda xitaa lacag rikoor noqoneysa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip