SUUQA KALA IIBSIGA: Chelsea Oo Qarka U Saaran Inay Heshiis 25 Milyan Ginni Ah Ku Iibiso Xiddiga Reer Brazil Ramires.

0
Tuesday January 26, 2016 - 11:06:09 in Sports News by
  • Visits: 776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SUUQA KALA IIBSIGA: Chelsea Oo Qarka U Saaran Inay Heshiis 25 Milyan Ginni Ah Ku Iibiso Xiddiga Reer Brazil Ramires.

    Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea Ramires ayaa ku dhow inuu 25 milyan ginni heshiis ah ugu dhaqaaqo kooxda China ka dhisan ee Juangsu Suning sida saxaafada kubada cagta ay inteeda badan baahinayaan maanta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea Ramires ayaa ku dhow inuu 25 milyan ginni heshiis ah ugu dhaqaaqo kooxda China ka dhisan ee Juangsu Suning sida saxaafada kubada cagta ay inteeda badan baahinayaan maanta.

28 jirkaan khadka dhexe ee reer Brazil ayaa Chelsea kaga soo biiray kooxda Benfica isagoo ku soo wareegay heshiis 17 milyan ginni ahaa sannadii 2010 waxaana uu ogolaaday heshiis cusub oo afar sanno ah bishii October ee sannadkii hore laakiin waxa uu ku soo bilowday kaliya todobo kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan.

_87920191_gettyramires

Jiangsu ayaa kaalinta sagaalaad kaga dhameysatay horyaalka heerka koowaad ee China sannadkii hore, waxaana tababare u ah daaficii hore ee Chelsea Dan Petrescu.

Kulankiisii ugu danbeysay ee uu u ciyaaro Chelsea waxa ay aheyd kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Scunthorpe ee FA Cup horaantii bishaan, welina kama soo muuqan kulan Premier League ah tan iyo kulankii barbaraha goolal la’aanta ah ku dhamaaday ee ay la galeen Manchester United 28kii bishii December.

Ramires ayaa ka caawiyay Blues inay ku guuleystaan Premier League, Fa Cup, League Cup, Champions League iyo Europa League.

Xiddigii hore ee khadka dhexe Tottenham ahna xiddig kale oo Brazil ah Paulinho ayaa haatan ka ciyaaraya China iyadoo uu macalin u yahay macalinkii hore ee Chelsea Felipe Scolari kooxda Guangzhou Evergrande.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip