LVG Oo Doonaya Inuu Is Casilo Laakiin Waa Laga Diidan Yahay Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Xaalada Louis van Gaal Ee Man United Ee Ay Qoreen Saxaafada Ingariiska Saaka.

0
Tuesday January 26, 2016 - 11:03:49 in Sports News by
  • Visits: 654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    LVG Oo Doonaya Inuu Is Casilo Laakiin Waa Laga Diidan Yahay Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Xaalada Louis van Gaal Ee Man United Ee Ay Qoreen Saxaafada Ingariiska Saaka.

    Wargeysyada Ingariiska ayaa si weyn u hadal haya mustaqbalka tababaraha Manchester United Louis van Gaal saaka iyagoo ka qoray warar ka duwan, wargeyska The Sun ayaa qoray in Louis van Gaal uu soo bandhigay fursad uu isaga casilo shaqada Man United h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeysyada Ingariiska ayaa si weyn u hadal haya mustaqbalka tababaraha Manchester United Louis van Gaal saaka iyagoo ka qoray warar ka duwan, wargeyska The Sun ayaa qoray in Louis van Gaal uu soo bandhigay fursad uu isaga casilo shaqada Man United halkii la ceyrin lahaa ka dib guuldaradii Old Trafford ee Southampton

Guuldaradaas ayaa mar kale banaanka soo dhigtay qaab ciyaareedka qalafsan ee Red Devils ee xilli ciyaareedkan iyagoo aan ciyaareynin kubad weerar ah, waxaana sii kordhaya baaqa ku aadan inuu iscasilo, waxaana 64 jirkaan loo soo bandhigay fursad uu isku casilo.

Iscasil LVG: The Sun ayaa bogooda hore ee ciyaaraha soo dhigay saaka.

LVG Oo Is Casilaya: The Sun ayaa bogooda hore ee ciyaaraha soo dhigay saaka.

Wargeyska The Guardian ayaa isna qoraya war la mid ah kan The Sun iyagoo bogooda hore ee Sport soo dhigay war ku saabsan in Van Gaal uu go’aansanayo mustaqbalkiisa ka dib markii uu soo bandhigay inuu doonayo inuu is casilo.

_87924841_guardian

The Guardian ayaa iyadana qortay in LVG uu ku baaqay inuu is casilo

Dhanka kale jariirada Daily Mirror ayaa qoreysa in gudoomiye ku xigeenka maamula kooxda Manchester United inuu si weyn uga soo horjeedo fekerka dadweynaha islamarkaana uu ku taageerayo Louis van Gaal inuu sii ahaado tababaraha Manchester United.

Hala Istaago Van: Daily Mirror ayaa iyadana saaka ku soo qortay bogeeda hore ee ciyaaraha

Hala Garab Istaago Van: Daily Mirror ayaa iyadana saaka ku soo qortay bogeeda hore ee ciyaaraha

Talaabada uu Woodward qaadayo ayaa noqon doonta sida ay Daily Mail sheegeyso mid ka yaabsata jamaahiirta Red Devils laakiin waxa ay muujineysaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhex jira kooxda kuwaasoo ku kala qeybsan mustaqbalka tababaraha reer Holland.

Iyadoo dadka banaanka ka jooga kooxda ay aaminsan yihiin in Van Gaal uu yahay meyd socda hadana Woodward ayaa u dagaalamaya inuu badbaadiyo shaqadiisa.

Ciyaartoyda United ayaan tababar sameynin shalayto oo isniin aheyd, waxaana qaar iyaga ka mid ah la hadlay Ed Woodward kaasoo maanta ku balansan inuu la kulmo Van Gaal si uu ugala hadlo mustaqbalkiisa sida ay baahisay Sky Sports islamarkaana ay qortay Daily Star.

Joornaaliistaha Miguel Delaney ayaa u sheegay idaacada BBC Radio Five in United ay si weyn uga warqabto in Mourinho uu doonayo shaqada marka uu Van Gaal baxo, waxaana jira buu yiri wadahadalo in muddo ah u dhaxeeya wakiiladiisa iyo kooxda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip