Timothy Weah Oo Raacaya Wadadii Aabihiis Halyeeygii Afrika George Weah.

0
Tuesday January 26, 2016 - 11:00:17 in Sports News by
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Timothy Weah Oo Raacaya Wadadii Aabihiis Halyeeygii Afrika George Weah.

    Paris Saint-Germain ayaan u baahneyn inay saxiix weyn ka raadiso suuqa kala iibsiga, xaqiiqdiina waxaa uu xiddigaas qeyb ka yahay da' yarta kooxda reer Paris. Magaciisa waxaa la yiraahdaa Timothy Weah, waana sax waa wiilka George Weah xiddigii r

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Paris Saint-Germain ayaan u baahneyn inay saxiix weyn ka raadiso suuqa kala iibsiga, xaqiiqdiina waxaa uu xiddigaas qeyb ka yahay da' yarta kooxda reer Paris. Magaciisa waxaa la yiraahdaa Timothy Weah, waana sax waa wiilka George Weah xiddigii reer Liberia ee halyeeyga ahaa ee u soo ciyaaray AC Milan, Chelsea, Manchester City iyo sidoo kale PSG iyo kooxo kale oo badan.

Sida aabihiis, 15 jirkaan Weah ayaa ah gooldhaliye. "Waxana u ciyaarayay kooxda New York Red Bulls, laakiin waxaan doonayay inaan imaado Yurub si aan horumar degdeg ah u sameeyo. Waxaan tijaabo u maray Chelsea laakiin waxaa mar walba i soo jiidaneysay Faransa gaar ahaa kooxda PSG. Inaan daawado xiddigaha sida Zlatan Ibrahimovic, Lucas iyo David Luiz waa wax weyn… Waxaan rajeynayaa in maalin uun aan u ciyaaro kooxdaan weyn.”

14537388031822

Weah waxa uu ku dhashay New York dalka Mareykanka, laakiin xiriira kubada cagta Faransa ayaa xiiseynaya in da’ yarka PSG inuu wadan bedesho oo uu u ciyaaro xulalka juunyeerka Faransa. "Waxaan ku dhashay New York, wadankeyga waa Amerika laakiin waxaan sidoo kale jeclahay France. Waqti xaadirkaan waxaan u ciyaarayaa xulka Mareykanka ee da’dooda ka yar tahay 17 sanno jirada, waxaana isku diyaarineynaa Koobka Adduunka ee soo socda. Si kastaba, marka laga hadlaayo mustaqbalka, weli m a aanan go’aansanin wadanka aan u ciyaari doono.”

Wareysi uu siiyay jariirada Le Parisien, George Weah ayaa amaan kala duldhacay wiilkiisa: "Kaliya uma dhahayo inuu yahay wakiilkeeyga, laakiin Timothy waxa uu leeyahay tayo aad u weyn, waa nin dhakhso badan, waxaana uu leeyahay maanka gooldhaliye, waxaana uu dhageystaa amarada tababarayaashiisa. Uma maleynayo inuu magaceyga culeys ku noqon doono, waa uu ka warqabaa waayaheyga ciyaareed. Waxaan mar walba u sheegaa in tayada kaliya aysan ku filneyn islamarkaana loo baahan yahay in si adag loo shaqeeyo si uu u gaaro hamigiisa.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip