Real Madrid Oo Barbaro La Soo Gashay Kooxda Real Betis, Kulankii Ugu Horeeyay Ee Zidane Uu Marti Ku Ciyaaray Oo Ay Los Blancos Dhibco Lumisay Iyo Karim Benszema Oo Gool Muran Dhaliyay Madrid Ku Badbaadiyay

0
Monday January 25, 2016 - 10:42:35 in Sports News by
  • Visits: 824
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo Barbaro La Soo Gashay Kooxda Real Betis, Kulankii Ugu Horeeyay Ee Zidane Uu Marti Ku Ciyaaray Oo Ay Los Blancos Dhibco Lumisay Iyo Karim Benszema Oo Gool Muran Dhaliyay Madrid Ku Badbaadiyay

    Real Madrid ayaa barbaro 1:1 ah la soo gaashay kooxda Real Betis, inkasta oo waliba goolka ay Madrid barbaraha kula timid uu ahaa gool muran badan dhaliyay oo offside u muuqday. Karim Benzema ayaa kooxda Zidane ka badbaadiyay guuldaradii ugu horaysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa barbaro 1:1 ah la soo gaashay kooxda Real Betis, inkasta oo waliba goolka ay Madrid barbaraha kula timid uu ahaa gool muran badan dhaliyay oo offside u muuqday. Karim Benzema ayaa kooxda Zidane ka badbaadiyay guuldaradii ugu horaysay oo Zidane ku soo fool lahayd. Real Madrid ayaa kulankii ugu horeeyay ee ay marti ahayd iyada oo uu Zidane macalin u yahay laba dhibcood lumisay, waxayna afar dhibcood ka danbaysaa kooxda Barcelona oo hogaanka ku haysa farqiga goolasha iyada oo A.Madrid ay iyaduna leedahay dhibco la mid ah Barcelona.

Real Madrid ayaa marti u ahayd kooxda Real Betis, waxayna wiilasha Zidane ee Real Madrid ay raadinayeen guushii saddexaad oo xidhiidh ah iyada oo Zidane oo isbadal ku sameeyay kooxda Los Blancos.Madrid ayaa ku fikiraysay in ay ka faa’iidaysto barbarihii ay Atletico Madrid la gashay kooxda Sevilla iyada oo ogayd guul ay gaadho Madrid ay soo yarayn doonto farqiga dhibcaha ee ay ujirto Barcelona iyo A.Madrid.Benzema2

Real Madrid ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo lahayd 43 dhibcood laakiin kooxda hogaanka La Ligaha aysa ee Barcelona ayaa leh 48 dhibcood oo ay wadaagaan Atletico Madrid, sidaa daraadeed Los Blancos ayaa saddex dhibcood ku soo yarayn kartay farqiga dhibcaha ee hogaanka looga hayo inkasta oo ay Barcelona hal kulan gacanta ku haysato.

Zinedine Zidane ayaa markii ugu horaysay shaxdiisa ku soo bilaabay James Rodriguez maadaama oo uu Gareth Bale dhawac ku maqnaa, waana kulankii ugu horeeyay ee uu james shaxda Los Blancos ku bilawdo intii uu Zidane tababaraha ka ahaa.

Shaxaha labada kooxood ee kulankan:

Real Betis:(4-2-3-1): Adan; Molinero, Pezzella, Bruno, Vargas; Petros, N’Diaye; Kadir, Fabian, Cejudo; Ruben Castro.

Real Madrid(4-3-3):Keylor Navas,Varane, Pepe,Marcelo, Danilo, Modric, Kroos, James, Isco, Ronaldo iyo Benzema

Kaydka:Casilla, Nacho, Casemiro, Jese,Kovacic, Vazguez iyo Carvajal

Real Betis ayaa ciyaarta ku bilaabatay qaab ciyaareed cajiib ah taas oo keentay in ay markiiba weerar iyo fursad abuuris ku bilawdo goolka Real Madrid. Daqiiqadii 6 aad ayay Betis u muuqatay in ay xili horeba heshay goolka furitaanka kadib markii uu Fabian darbo qurux badan uu ku tuuray goolka Madrid laakiin goolhaye Keylor Navas ayaa marka hore halista iska badbaadiyay.

Balse halista ayaan ka fogaan goolka Real Madrid, waxaana kubbada Navas ka sooday gool LAYAABLEH ku dhaliyayÁlvaro Cejudo Carmona kaas oo inta uu awoodiisa oo dhan isticmaalay kubbad aan la celin karin ku darbeeyay goolka Madrid, waxaana markan awoodi waayay in uu wax badbaadin ah sameeyo Navas, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Real Betis hogaanka kula wareegtay.Goolkan ayaa aad ugu eegaa goolkii uu Zidane ka dhaliyay kooxda Bayern Liverkusen ee finalkii Champions Leaque-ga.5

BetisReal Madrid ayaa bilawday in ay ka dagaalanto isal markaana ay raadiso goolka looga naxsatay bilawgii ciyaartaba, waxayna Marid bilawday inay fursad abuuris badan ku raadiso goolka barbaraha. Laakiin kooxda Real Betis ayaa u muuqatay koox difaac ahaan u nidaamsan waxayna Madrid ku yaraysay fursada ay goolka barbaraha kula iman karto.Cejudo

Daqiiqadii 31 aad Real Madrid ugu dhawaatay in ay la timaado goolka barbaraha kadib markii uu Cristiano Ronaldo helay fursad gool loo fishay laakiin xidiga ree Portugal ayaa awoodi waayay in uu kooxdiisa fursadan uga faa’iideeyay, laba daqiiqo kadob Pepe ayaa isna gool madax ah dhalin gaadhay iyada oo James uu koorne fiican soo tuuray laakiin dadaalka Madrid ayaan waxba ka badalin natiijada ciyaarta.Ronaldo

Dadaal kasta oo ay Madrid samaysay ayaan keein in ay shabaqa ka soo taabato kooxda ay martida u ahayd ee Real Betis oo kubbad fiican kala hortimid kooxda Zidane, Real Madrid ayaa u muuqatay in ay tabaysay qaab ciyaareedkii fiicnaa ee Gareth Bale, iyada oo James uu qaybta hore u muuqday mid aan buuxin karin booska Bale.waxayna qaybta hore ku dhamaatay 1:0 ay Real Betis hogaanka ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii ciyaarta ayay Real Madrid soo laabatay iyada oo markale raadinasya goolka barbaraha waxayna weerar joogo ah ku bilawday goolka Betis. Daqiiqadii 50 aad ayay Madrid abuurtay fursad layaableh iyada oo James uu marka hore helay fursad gool lagu dhalin karo laakiin xidiga ree Colombia ayaa awoodi waayay in uu si fiican u isticmaalo lugtiisa midig.

Laakiin kubbada ayaa u tagtay Benzema kaas oo markiiba kubbada ku leexiyay goolka Real Betis laakiin goolhayaha Betis ee Adan ayaa sameeyay badbaadin fiican halka kubbada soo booday uu Benzema marka labaad cirka u diray. Weerarka Madrid ayaa halkiisa ka sii socday.

Daqiiqadii 52 aad ayay dhibaato dhaawac soo gaadhay xidiga kooxda Real Betis eeFabián Ruiz Peña kaas oo awoodi waayay in uu ciyaarta sii wato waxaana lagu soo badalayDaniel Ceballos Fernández. Laakiin marumaysan kartid fursada uu goolhayaha Betis ee Adan uu ka badbaadiyay James Rodriguez kaas oo daqiiqadii 54 aad u bilaabay in uu u dabaal dego waxa u muuqday gool cadaan ah laakiin jawaabta ayaa noqotay in Adam uu kubbada joojiyay.

Lix daqiiqo gudahood ayay markale Betis dhibaato kale oo dhaawac soo gaadhay waxaana markan ciyaarta dhaawac muruqa ah looga saarayFoued Kadir kaas oo isagana lagu soo badalayJoaquín Sánchez Rodríguez. Inkasta oo ay laba dhaawac oo deg deg ahi soo gaadheen kooxda martida loo ahaa ee Betis ayay haddana wali ahayd koox nidaamsan oo Madrid xaalada ku adkaynaysa.

Markii ay xaalada ciyaartu isbadali wayday ayuu Zidane shaxdiisa isbadal ku sameeyay, wuxuuna ciyaarta ka saarayDanilo Luiz da Silva haka uu kursiga kadyka ka soo kiciyayDaniel Carvajal Ramos kaas oo uu ka filayay in uu ciyaarta wax badan ku soo kordhin karo isla markaana uu karoosyo fiican keeni karo.

Ugu danbayn Real Madrid ayaa daqiiqadii 71 aad heshay goolka barbaraha waxaana goolka Betis oo madhan shabaqa kubbada ku taabtayKarim Benzema oo taagnaa boos offside ah kadib markii uu kubbad ka helay James Rodriguez oo waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah. Goolkan ayay ciyaartoyda Real Betis aad uga doodeen balse garsooraha ayaan wax jawaab ah siin.Benzema

Daqiiqadii 78 aad James Rodriguez ayaa kubbad gantaal ah ku darbeeyay goolka Betis laakiin badbaadin layaableh ayuu sameeyay goolhayaha Betis ee Adan kaas oo kulankan soo badhigay qaab ciyaareed cajiib ah, wuxuuna kubbada iskaga saaray koorene, markale kubbada koornaha laga soo taabtay ayuu Adan si cajiib ah fursad gool loo fishay uu uga badbaadiyay Benzema.

Markan Real Madrid ayaa awoodeeda iskugu gaysay sidii ay ula iman lahayd goolka guusha halka Real Betis ay si dhab ah u tabtay labadii ciyaartoy ee dhaawaca uga baxay. Waxaana Marid wax badan ku soo kordhiyay Dani Carvajal oo ciyaarta badal ku soo galay.

Tobankii daqiiqo ee ciyaarta ugu danbeeyay Betis ayaa dhibtii ugu badnayd la kulantay iyada Madrid ay soo qaadaysay weeraro isdaba joog ah oo duufaan ah.Benzema iyo Ronaldo ayaana fursado fiican ka lumiyay kooxda Zidane. Daqiiqadii 87 aad Jese ayaa kubbad hadiyad ah Ronaldo u soo hormariyay goolka Betis laakiin markale goolhaye Adan ayaa beeniyay fursadan iyad oo Roanaldo uu yara dhaawacay goolhaya inkasta oo uu markii danbe iska kacay.

Dhamaadkii ciyaarta Betis ayaa laba jeer heshay fursad ay ciyaarta ku dili kartay iyada oo waliba Varane uu nasiib ku lahaa in aan rekoodhe lagu dhigin kadib markii uu xidig Betis ah xerada ganaaxa Madrid ku riday, laakiin intii lagu jiray afar daqiiqo oo ciyaarta lagu daray ayay Betis u muuqatay in ay heshay saddexda dhibtood kadib markii uuRuben Castro darbo cajiib ah ku tuuray goolka Madrid laakiin kubbada ayaa wax yar u martay birta goolka Madari.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro 1:1 ah, waxaana markii ugu horaysay dhibco lumisay Real Madrid intii uu Zidane macalinka u ahaa laakiin Zidane ayay kooxdiisu laba dhibcood lumisay kulankiisii ugu horeeyay ee uu Madrid maamulyay iyada oo marti ah. Real Mardrid ayaa hadda leh 44 dhibcood waxayna afar dhibcood ka danbaysaa Barcelona hogaanka La Ligaha farqiga gooalsha ku haysa balse kooxda Enrique ayuu wali kulan u hadhsan yahay.

Halkaan Laacibtv.net ka daawo goolashaas




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip