Iyadoo Tababarkii Shalayto Ee Man United La Kansalay, Ilaa Iyo Intee Ayuu Van Gaal Sii Ahaan Karaa Macalinka Man United?

0
Monday January 25, 2016 - 10:36:40 in Sports News by
  • Visits: 776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iyadoo Tababarkii Shalayto Ee Man United La Kansalay, Ilaa Iyo Intee Ayuu Van Gaal Sii Ahaan Karaa Macalinka Man United?

    Garoonka tababarka Manchester United ayaa ahaa mid degan oo aysan cidna joogin shalayto taasna loogama baranin, waxaana ciyaartoyda iyo macalimiinta wax leyliya loo sheegay inaysan imaanin iyadoo la filayay inay ciyaartoyda sameeyaan tababar ka dib k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoonka tababarka Manchester United ayaa ahaa mid degan oo aysan cidna joogin shalayto taasna loogama baranin, waxaana ciyaartoyda iyo macalimiinta wax leyliya loo sheegay inaysan imaanin iyadoo la filayay inay ciyaartoyda sameeyaan tababar ka dib kulankoodii sabtida.

Markii ugu horeysay intii uu kooxda macalin ka ahaa Louis van Gaal waxaa la baajiyay tababarkii 45ta daqiiqo ilaa iyo 90 daqiiqo ee ay kooxda koowaad sameyn jirtay maalinta ku xigta maalintii ay ciyaareen. Van Gaal ayaana ah nin ku ad-adag sharcigiisa iyo inuu wax walba joogteeyo. Tababarihii hore ee Barcelona ayaa xitaa ciyaartoydiisa tababar ugu yeeray saacado ka timid markii ay ka soo laabteen safaro Yurub ah xilli ciyaareedkan.

Van Gaal

Sidaasi darteed in maalintii shalayto tababarka la baajiyo waxa ay aheyd wax qeyrul caadi ah. Go’aankii uu Van Gaal ku gaaray inuu dib ugu laabto Netherlands oo uu ka qeybgalo maalinta dhalashada gabadhiisa ayaa keeni doonta in su’aalo badan la iska weydiiyay, waxaana uu fasax qaatay maalin ka dib markii United ay guuldarro 1-0 ka soo gaartay Southampton.

Guuldaradii sabtida ayaa ka dhigtay Red Devils inay shan dhibcood ka danbeyso kooxda kaalinta afaraad ee Tottenham. Tababaraha reer Holland ayaa badiyay 49 boqolkiiba kulamadii uu leyliyay kooxda waana heerkii ugu xumaa ee uu gaaro tababare Manchester United ah 30kii sanno ee ugu danbeysay. Iyadoo in ka badan 20 sannadood oo waqtigaas ah uu qaatay waayihii Sir Alex Ferguson, David Moyes ayaa dareemi doona inaan waqti ku filan la siinin madaama Van Gaal uu ka badbaaday dhowr jeer in la ceyriyo.

Ilaa iyo intee la eg ayay United u dulqaadan doontaa natiijooyinkaan, iyo xitaa kaba sii muhiimsane qaab ciyaareedyada kooxda ay soo bandhigeysa, waana su’aalaha gaaf wareegaya Old Trafford iyo Carrington beryahaan. Haddii uu Van Gaal isaga laftiisa uu doonayo inuu sii joogo 17ka bilood ee ugu harsan qandaraaska ayaa iyadana su’aal la iska weydiinayaa iyadoo laga yaabo inuu iscasilo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip