Madaxweyne Florentino Perez Oo Ka Mamnuucay Cristiano Ronaldo Inuu Booqdo Dalka Morocco.

0
Saturday January 23, 2016 - 11:15:02 in Sports News by
  • Visits: 732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Florentino Perez Oo Ka Mamnuucay Cristiano Ronaldo Inuu Booqdo Dalka Morocco.

    Cristiano Ronaldo ayaa lagu waramayaa in laga mamnuucay safarada joogtada ah ee uu ku tagayo dalka Morocco waxaana ka mamnuucay madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cristiano Ronaldo ayaa lagu waramayaa in laga mamnuucay safarada joogtada ah ee uu ku tagayo dalka Morocco waxaana ka mamnuucay madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez.

Xiddiga reer Portugal ayaa ku dhibtooday inuu soo bandhigo qaab ciyaareed joogta ah xilli ciyaareedkan, waxaana la sheegayaa in madaxweyne Perez uu dulqaadkii ka dhamaaday sida ay qortay jariirada Catalan ka soo baxda ee Sport.

Real-Madrid-v-Real-Sociedad

Ronaldo ayaa si joogta ah u booqda Morocco isagoo halkaan ugu tago saaxiibkiis Badr Hari, waxaana la sheegayaa inuu aado Morocco ka dib tababarka Real Madrid ee subaxdii islamarkaana uu ku soo laabto Madrid fiidnimadii, madaama ay labada dal isku dhow yihiin.

Perez ayaa lagu waramayaa inuu caawinaad ka helo boqorka Morocco ahna saaxiibkiisa Mohamed-ka lixaad kaasoo u sheega marka uu Ronaldo joogo wadanka.

Xiddiga Real Madrid ayaa soo gabagabeeyay labo kulan uu goolal la’aan ahaa isagoo labo gool dhaliyay kulankii ay Los Blancos 5-1 kaga badiyeen Sporting Gijon axadii hore.

Waxa uu ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto kulankii ka horeeyay iyadoo kulankaas uu seddexleey dhaliyay Bale markii ay 5-0 kaga badiyeen Deportivo La Coruna.

Kooxda Zinedine Zidane ayaa wajaheysa Real Betis maalinta axada, iyagoo doonaya inay ku daba jiraan kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip