Maxi Allegri Oo Noqday Tababaraha Ay Chelsea Dooneyso Iyo Ronald Koeman Oo Ka Codsaday Guus Hiddink Inuu U Qalqaaliyo Shaqada Blues.

0
Saturday January 23, 2016 - 11:13:05 in Sports News by
  • Visits: 697
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxi Allegri Oo Noqday Tababaraha Ay Chelsea Dooneyso Iyo Ronald Koeman Oo Ka Codsaday Guus Hiddink Inuu U Qalqaaliyo Shaqada Blues.

    Chelsea ayaa ka dhigatay Maxi Allegri diiradooda koowaad ee xagaaga danbe ee tababarahooda cusub ee xiga sida ay qortay jariirada The Sun. Wargeyska ayaa fahamsan in Blues ay la xiriirtay tababaraha Juventus iyo wakiiladiisa horaantii bishaan, iyado

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea ayaa ka dhigatay Maxi Allegri diiradooda koowaad ee xagaaga danbe ee tababarahooda cusub ee xiga sida ay qortay jariirada The Sun. Wargeyska ayaa fahamsan in Blues ay la xiriirtay tababaraha Juventus iyo wakiiladiisa horaantii bishaan, iyadoo Roman Abramovich uu ugaarsi ugu jiro soo xerogelinta tababarahiisa xiga.

Intii ay wadahadalo socdeen, Allegri ayaa xaqiijiyay inuu u furan yahay inuu u dhaqaaqo Stamford Bridge islamarkaana uu doonayo inuu ka shaqeeyo Premier League.


Tababaraha Talyaaniga oo 48 sanno jir ah ayaa ku guuleystay labo koob oo Serie A ah mid uu la qaaday AC Milan iyo mid uu la qaaday Juventus, waxaana uu kooxdiisa Juve gaarsiiyay sannadkii hore finalka Champions League.

The Sun ayaa sidoo kale sheegeysa in madaxda Chelsea ay ka yara dabaceen fekerka ah inay tababarahooda xiga ka dhigtaan macalinka Atletico Madrid Diego Simeone ka dib markii ay baaritaan ka sameeyeen hababkiisa tababarenimo iyo shakiga laga qabo inuu tababaraha reer Argentina diyaar u yahay inuu ka tago Atletico Madrid.

Dhanka kale tababaraha kooxda Southampton Ronald Koeman ayaa ka codsaday ninka ay isku wadanka yihiin Guus Hiddink ee haatan tababaraha ku meel gaarka ka ah Chelsea inuu ka dhaadhiciyo milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich inuu noqdo tababaraha xiga ee Blues.

Koeman ayaa si weyn u daneynaya inuu tababare ka noqdo Stamford Bridge waxaana uu adeegsanayaa Hiddink sidii uu ku heli lahaa shaqadaas, inkastoo maanta Chelsea uusan weli ku soo dhici isaga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip