Telegraph Oo Soo Saartay Shaxdii Ugu Xumeyd Ee Isku Darka Chelsea Iyo Arsenal – Torres Iyo Arshavin Oo Ka Dhex Muuqda.

0
Saturday January 23, 2016 - 11:08:12 in Sports News by
  • Visits: 707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Telegraph Oo Soo Saartay Shaxdii Ugu Xumeyd Ee Isku Darka Chelsea Iyo Arsenal – Torres Iyo Arshavin Oo Ka Dhex Muuqda.

    Labada kooxood ee ugu guulaha badan London ee horyaalka Premier League mar walba ma aysan soo marin xiddigo lagu guuleystay. Jariirada Daily Telegraph ayaa soo xushay shaxda ciyaartoydii ku hungoobay labada kooxood ee isku darsan, laakiin waxa ay soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada kooxood ee ugu guulaha badan London ee horyaalka Premier League mar walba ma aysan soo marin xiddigo lagu guuleystay. Jariirada Daily Telegraph ayaa soo xushay shaxda ciyaartoydii ku hungoobay labada kooxood ee isku darsan, laakiin waxa ay soo xusheen kaliya ciyaartoydii soo martay labada kooxood tan iyo markii Roman Abramovich iibsaday Chelsea sannadii 2003, islamarkaana si joogta ah ugu ciyaarayay labada kooxood.

Qasab ma ahan in ciyaartoydaan ay yihiin kuwa xun laakiin mudadii ay joogeen Arsenal iyo Chelsea laguma riyaaqin qaab ciyaareedkooda. Dhanka goolka waxa ay Telegraph soo xulatay goolhayihii hore ee Arsenal Manuel Almunia. Dhanka daafaca waxaa ku jira Emannuel Eboue oo Arsenal u soo ciyaaray, Philippe Anderson oo Arsenal u soo dheelay iyo daafacyadii Chelsea soo maray ee Khalid Boulahrouz iyo Yuri Zhirkov.



Dhanka khadka dhexe waxaa ku jira xiddigii hore ee Chelsea Juan Sebastian Veron, xiddigii hore ee Arsenal Denilson, waxaana shaxdaan sidoo kale ku jira Jose Antonio Reyes oo soo maray Gunners, Adrian Mutu oo Chelsea soo maray, iyo Andriy Arshavin oo Gunners u soo ciyaaray, halka weerarka uu hogaaminayo Fernando Torres.

Shaxdii ugu xumeyd ee isku darka Chelsea iyo Arsenal ee tan iyo 2003dii:

Manuel Almunia; Eboue, Senderos, Zhirkov, Boulahrouz; Veron, Denilson; Mutu, Reyes, Arshavin; Torres.

Keyd: Francis Jeffers, Silvestre, Shevchenko, Fabianski, Gervinho, Shuan Wright Philipps, Yossi Benayoun.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip