Booliska Kenya oo hareereeyay guri uu ku noolaa mid ka mid ah raggii weeraray Dusit Hotel

0
Wednesday January 16, 2019 - 20:36:03 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Kenya oo hareereeyay guri uu ku noolaa mid ka mid ah raggii weeraray Dusit Hotel

    Booliska Kenya ayaa isku gedaamay guri ku yaalla Xaafada Guango ee magaalada Nairobi, halkaasoo la sheegay inuu ku noolaa mid ka mid ah raggii shalay weeraray Hotelka DusitD2 ee deegaanka Westland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Kenya ayaa isku gedaamay guri ku yaalla Xaafada Guango ee magaalada Nairobi, halkaasoo la sheegay inuu ku noolaa mid ka mid ah raggii shalay weeraray Hotelka DusitD2 ee deegaanka Westland.

Mid ka mid ah raggii hubeysnaa ayaa lagu arkayay jiray Guryaha Guango ee Ruaka, waxaana dad deris la ah ay aqoonsadeen gaarigiisa KCN ee loo adeegsaday weerarka.

Qeybta Booliska ee la dagaalanka Argagixisada ayaa goobta gaaray, iyagoo ka qeyb qaadanaya howlgalka ka socda guriga.

Labo haween ayaa lagu xiray guriga, iyadoo warbaahinta Kenya ay soo warineyso in guriga laga helay waxyaabaha qarxa

Ilaaliyaha Guriga ayaa sheegay in ninkan uu guriga kireystay bishii 21 March ee sanadkii hore, waxaa la nooleyd xaaskiisa, iyadoo aanay carruur la joogin.

Ninkan oo aan weli Booliska soo bandhigin aqoonsigiisa ayaa la sheegayaa inuu ka yimid Gobolka Kiambu, isagoo kaddib qaatay Diinta Islaamka, waxaana uu la baxa magaca Faruk.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ka hadlayay markii howlgalka la soo gabagabeeyay in gacanta lagu qaban doono cid kasta oo maalgelisay ama qorsheysay weerarka DusitD2.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarta Hotelka caanka ah ee ku yaala Xaafada 14 Riverside ee deegaanka Westland ee galbeedka magaalada Nairobi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip