15 qof oo loo xiray is rasaaseyn ay dad ku dhaawacmeen oo ka dhacday magaalada Boosaaso

0
Tuesday January 15, 2019 - 20:07:56 in Wararka by
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    15 qof oo loo xiray is rasaaseyn ay dad ku dhaawacmeen oo ka dhacday magaalada Boosaaso

    Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhawaacmay is rasaaseyn la sheegay inay u dhaxeysay labo shirkadood oo korantada ka shaqeeya magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso,sida ay mas'uuliyiinta xaqiijiyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhawaacmay is rasaaseyn la sheegay inay u dhaxeysay labo shirkadood oo korantada ka shaqeeya magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso,sida ay mas'uuliyiinta xaqiijiyeen.
Duqa degmada Boosaaso, Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo ka hadlay iska horimaadka waxa uu sheegay ciidanka amniga inay xireen ilaa 15 qof oo isugu jira maamullayaasha shirkadaha,shaqaalaha iyo ciidanka ilaalada xarumaha ee rasaasta furay.

"Xaaladda way daggantahay, ciidanka ayaana xiray dhammaan dhinacyadii iska horimaadka uu u dhaxeeyay". ayuu yiri duqa degmada Boosaaso oo inta ku daray khilaaf muddo soo jiray oo u dhaxeeyay labada shirkad ee kala ah Golis iyo Eeneeyo inuu ka dhashay iska horimaadka ka dhacay Boosaaso.


Duqa degmada Boosaaso, waxa uu sheegay in maamulka uu ku dadaallayo in shuruuc kala hagta loo helo shirkadaha ku baratamaya ganacsiga magaalada Boosaaso.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip