Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho saacadaha soo socda lagu wadaa in ay ka ambabaxaan wafdi kale uu hor kacayo guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo sidoo kale ka qeyb galaya munaasabadaasi.

Ammaanka si weyn loo adkeeyay, iyadoona Ciidamo dheeraad ah lagu arkayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xafladda caleema saarka ee madaxweyne Lafta Gareen ayaa beri oo Arbaco ah ka dhaceysa xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.