Ciidanka Xoogga Dalka Oo Isku Furay Labo Degmo Oo Muhiim Ah,Al-Shabaabna Ka Saaray…

0
Sunday January 13, 2019 - 22:59:14 in Wararka by
  • Visits: 298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka Oo Isku Furay Labo Degmo Oo Muhiim Ah,Al-Shabaabna Ka Saaray…

    Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada ay ALshabaab ka saareen degaanno u dhaxeeya Maxaas iyo Beledweyn. Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Axmed Maxamed Tareedishe ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada ay ALshabaab ka saareen degaanno u dhaxeeya Maxaas iyo Beledweyn. Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Axmed Maxamed Tareedishe ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Maxaas iyo Beledweyne ku saareen qaar ka mid ah Ciidamada Al-shabab ee ku sugnaa Tuulooyinka u dhaxeeya labada Magaalo.

Tareedishe ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay la wareegeen degaannada kala ah Oratan Hees, Cali Ganeey oo u dhaxeeya Maxaas iyo Beledweyne.

Waxaa uu intaas ku daray in howlgallada ay sii wadi doonaan islamarkaana dhaq dhaqaaqa inta u dhaxeys Maxaas iyo Beledweyne ay nabad ka dhigi doonaan.

Shalay Al-shabab ayaa waxaa ay soo bandhigeen shan askari oo ay ku sheegeen in ay ka goosteen Ciidanka dowladda ee jooga Maxaas,kuwaas oo lagu soo bandhigay AL-shabab.

Ciidanka Xoogga dalka oo isku furay labo degmo oo muhiim ah,Al-Shabaabna ka saaray…


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip