Khilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhexgalay Mid Kamid Ah Dalalka Ay Ciidamada Ka Joogaan Soomaaliya Iyo QM

0
Sunday January 13, 2019 - 21:48:49 in Wararka by
  • Visits: 334
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhexgalay Mid Kamid Ah Dalalka Ay Ciidamada Ka Joogaan Soomaaliya Iyo QM

    Maalmo kadib Khilaafkii ay DFS iyo QM ku kala irdhoobeen, waxa uu Khilaaf kale ka dhex dhashay QM iyo Dowladda Burundi, iyadoo la xiray Xafiiskii QM ee Xuquuqda Aadanaha ku lahaa dalkaasi. Wargeyska Inner City Press ee ka soo baxa Maraykanka waxa uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalmo kadib Khilaafkii ay DFS iyo QM ku kala irdhoobeen, waxa uu Khilaaf kale ka dhex dhashay QM iyo Dowladda Burundi, iyadoo la xiray Xafiiskii QM ee Xuquuqda Aadanaha ku lahaa dalkaasi. Wargeyska Inner City Press ee ka soo baxa Maraykanka waxa uu Warbixin ka qoray Khilaafka Burundi iyo QM, wuxuuna Cinwaan kaga dhigay: Burundi oo xirtay Xafiiska QM ee Xuquuqda Aadanaha iyo Fashilka kale ee Guterres, sidii Somalia oo kale. Wargeysku waxa uu qoray inay Dowladda Madaxaweynaha Burundi, Piyeer Nakununsisa doonayeen in dhamaan Hay'addaha Xuquuqda Aadanaha ee haatan joogta dalkiisa ka wada baxaan, iyadoo uu Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres sheegay inaysan taasi micno lahayn. Sida laga soo xigtay Ilo dhinaca gudaha waxay Dowladda Burundi sheegtay in si KMG ah loo xiro Xafiiskaas, iyadoo ku wargelisay Hay'adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha (The United Nations High Commissioner for Human Rights) ee ay Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladda Geneva ee dalka Switzerland

 
Dowladda Burundi waxay bishii December 31-dii ee sannadkii hore albaabadda u laabtay 4 Xafiis Gobaleed oo ay Hay’adda QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ku lahayd gudaha dalkaasi.

Dhinaca kale, Wargeyska Inner City Press waxa uu qoray in Khilaafka QM iyo Burundi ku soo beegmay, iyadoo Dowladda Burundi ku gacan sayrtay Qorshaha Ururka Miowga Afrika ee AU-da ku doonayaan in lagu dhimo Tirada Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Afhayeenka Ciiddanka Burundi, Kolonel Floribert Biyereke waxa uu Bishii December 24-dii ee sannadkii hore, gaashaanka ku dhuftay Codsigii AU-da ee ahaa in Kun Askar looga dhimi doono Ciiddanka Burundi marka la gaaro bisha Feberaayo 28-da ee sannadkan.

Afhayeenka waxa uu ku baaqay in dhamaan dalalka ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia si isku mid ah looga dhimo tirada Ciiddanka laga daad-dureynayo Somalia.

Burundi waxaa haatan Somalia ka jooga ciiddan tiradooda dhan tahay 5,400 Askari, waana dalka 2-aad ee ay Ciiddanka ka joogaan Somalia, marka laga reebo Ciiddanka Uganda oo ay 6,200 Askari ka joogaan Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka Dowladda Burundi kala dhexeeyo QM iyo Ururka Midowga Afrika ayaa weli taagan meel xasaasi ah, mana kala cadda inay Madaxda Ururka AU-da ka qaadan doonaan Go’aanka lagu dhimayo tirada Ciiddanka Burundi ka jooga Somalia iyo in ay labada dhinac gaari doonaan Heshiis xaal-mastuur oo kale ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip