Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aysan Shatiyo siinin Maraakiibta Kalluunka Xaalufiya

0
Sunday January 13, 2019 - 21:40:25 in Wararka by
  • Visits: 291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aysan Shatiyo siinin Maraakiibta Kalluunka Xaalufiya

    Cabdullahi Bidhaan Warsame Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga & Khayraadka Badda Xukuumadda Soomaaliya oo Xafiiskiisa Saxaafadda Kula hadlayay ayaa ka warbixiyay dhawaan Shirkado ay shati siisay Wasaaraddu. Shir jaraaid uu maanta ku qabtay Muqd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdullahi Bidhaan Warsame Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga & Khayraadka Badda Xukuumadda Soomaaliya oo Xafiiskiisa Saxaafadda Kula hadlayay ayaa ka warbixiyay dhawaan Shirkado ay shati siisay Wasaaraddu. Shir jaraaid uu maanta ku qabtay Muqdisho ayuu kaga hadlayay dadaalka wasaaradd ay ugu jirto horumarinta howlaha horyaala. "Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Dowladda federalka Soomaaliya waxay si daah furan u bixisay wajigii koowaad ee bixinta shatiga Kalluumaysiga iyadoona lagu bilaabay 31 Shirkadood oo laga leeyahay Dalkaas Shiinaha kuwaas oo baahi wayn u qaba Kalluunka nooca loo yaqaan Tuna-ha oo badena ku badan". Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaraddu ay qorshaynayso inay u raadinayso khayraadka Kalluunkeena Maalgelin iyo suuq-gayn Wadamada deriska nala ah iyo dalal kale oo caalamka kamid ah. .

Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame Wasiir Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Soomaaliya ayaa intaas ku daray in aysan Waxba ka Jirin hadalada dadku Isla dhexmarayaan ee sheegaya in Wasaaraddu ay shatiyo siisay Maraakiibta wax Xaalufiya,kuwaasi oo lidi ku ah Sharciga Kalluumaysiga ee Baarlamaanka meel mariyay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip