Taliye Indhoqarshe oo sheegay inaysan ciidamada Milatariga ku xadgudbeynin sharciga dalka

0
Sunday January 13, 2019 - 21:27:52 in Wararka by
  • Visits: 323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Indhoqarshe oo sheegay inaysan ciidamada Milatariga ku xadgudbeynin sharciga dalka

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa shir Jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu ku sheegay in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu marnaba ku xad gudbi doonin Sharciga u dagsan dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa shir Jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu ku sheegay in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu marnaba ku xad gudbi doonin Sharciga u dagsan dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tilmaamay in maleeshiyaadka ka tirsan Al-Shabaab ee lagu qabto dagaal ama howlgal ay horgeyn doonaan sharciga.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa ugu dambeynti beeniyay hadal ay si qaldan u turjumeen warbaahinta, kaasi oo ahaa in la dili doono raga ka tirsan Al-Shabaab ee lagu qabto howlgalada

Ugu dambeynti, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu xusay in ujeedada Ciidanka Xoogga Dalka uu yahay in ay si adag ula dagalamaan maleyshiyada Al-Shabaab, Balse aysan ka tagi doonin sharciga iyo kala dambeynta u dagsan dalka.

Hase yeeshee ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa dhowaan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo waxa ay ku toogteen shan ruux oo ay ku sheegeen inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab,ayna haystaan amar ah inay toogasho ku dilaan dadka loogaga shakiyo inay xubno ka yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip