Weerar lagu dilay Ajaanib ka tirsanaa Shabaab oo ka dhacay Sh.Hoose

0
Sunday January 13, 2019 - 20:58:59 in Wararka by
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar lagu dilay Ajaanib ka tirsanaa Shabaab oo ka dhacay Sh.Hoose

    Waxaa faah faahino dheerad ah kasoo baxayaan Howgal Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ku sugan ay ka fuliyeen Gobolka Shabeelada Hoose. Wakaalada wararaka u faafisa dowladda Soomaaliya ayaa l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa faah faahino dheerad ah kasoo baxayaan Howgal Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ku sugan ay ka fuliyeen Gobolka Shabeelada Hoose. Wakaalada wararaka u faafisa dowladda Soomaaliya ayaa lagu baahiyay in Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay weerar qorsheysan ay ku qaadeyn fariisimo Shabaab ay ku lahaayeen deegaanada Baladul Amiin iyo Hanti Wadaag oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose.

Ku dhawaad 85 dagaalyahano, iyo xubno sar are oo shabaab ka tirsan oo ajaanib ah ayaa howgalkaasi u dambeeyay lagu dilay sida ay sheegatay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hogaamiyayaasha lagu dilay weerarka ee ajaanibta ah ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Abuu Xamsa Bin Shaam kasoo jeeda dalka Masar waxa uuna Shabaab u qaabilsanaa Tababarada Ciidamada, Aweys Abu Xamza Almifsali oo heestay dhalashada dalka Tanzania , Abuu Bilaal Zubeyr ayaa heestay Dhalashada Mauritania, waxa uuna hore u ahaa ku xigeenka Ibraahim Afgaan, Aadan Abuu musiyaan kasoo jeeda dalka Suuriya iyo Feysal Bin hayaan kasoo jeeda dalka Yaman.

Ciidamada dowladda ee sida gaarka ah u tababaran iyo kuwa mareykanka ee Soomaaliya ku sugan ayaa dhawaanahaan waxa ay kordhiyeen weerarada shabaab ka dhanka ah, waxa ayna badanaa sheegtaan in khasaaro xoogan ay gaarsiiyaan, walloow aysan jirin illo ka madax banaan oo xaqiijinaya sheeegashadooda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip