Isticmaalka miisaaniyada 2019 oo la daahfuray iyadoo aan la xisaab xirin Miisaaniyadii 2017 iyo 2018

0
Sunday January 13, 2019 - 20:26:59 in Wararka by
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isticmaalka miisaaniyada 2019 oo la daahfuray iyadoo aan la xisaab xirin Miisaaniyadii 2017 iyo 2018

    Isticmaalka Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2019 ayaa maanta si rasmi ah u furmay iyadoo aysan aysan Dowlada Federalka xisaab xirin Misaaniyadii labadii sano ee la soo dhaafay ee 2017 iyo 2018. Waxaa munaasabadda ka qeybgalay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isticmaalka Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2019 ayaa maanta si rasmi ah u furmay iyadoo aysan aysan Dowlada Federalka xisaab xirin Misaaniyadii labadii sano ee la soo dhaafay ee 2017 iyo 2018. Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta si rasmi ah u Daah-furay isticmaalka Miisaaniyadda Dalka ee Sanadkan 2019,madaxda wasaaradaha iyo hay'adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya iyo Hanti dhowraha guud ee Qaranka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Hanti Dhowraha guud ee Qaranka ayaa sheegay in miisaaniyaddii dalka ee 2018 si wanaagsna loo isticmaalay,iyagoona raja wanaagsan ka muujiyay in midda 2019 si lamid ah iyo si ka sii hagaagsan loo isticmaalo.

Dadaalka ay waddo wasaaradda Maaliyadda Dalka marka laga soo tago horumarinta dhaqaalaha dalka waxaa sidoo kale kamid ah,qorshe Soomaaliya deymaha looga cafinayo,iyo sidii dalka lacago cusub loogu soo daabici lahaa.

Dhawaan ayay ahayd markii Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay miisaaniyadda dowlada ee sanadka 2019,iyadoo maanta wixii ka dambeeyey si toos ah loo isticmaali doono.

Daahfurka isticmaalka miisaaniada 2019
2of 5
 
 
 
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip