Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Bristol ee dalka Britain

0
Sunday January 13, 2019 - 12:05:31 in Wararka by
  • Visits: 322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Bristol ee dalka Britain

    Wiilka ayaa lagu magacaabi jiray Bashiir Cabdullaahi, waxaana da'diisa lagu sheegay 25 sano jir taksiile ah sida ay warbaahinta u sheeegeen eheladiisa. Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ninkii ka dambeeya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiilka ayaa lagu magacaabi jiray Bashiir Cabdullaahi, waxaana da'diisa lagu sheegay 25 sano jir taksiile ah sida ay warbaahinta u sheeegeen eheladiisa. Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ninkii ka dambeeyay dilka Bashiir, islamarkaana markii ay soo gabagabeeyaan baaritaanada ay la hadli doonaan warbaahinta. Wararku waxaa ay sheegayaan in dilka marxuumka uu ka danabeeyay nin ay guri wada deganaayeen, waxaana uu dilkii u adeegsaday Toorrey xilli uu Jiifay.

 Booliiska dalka Britain ayaa bilaabay baaritaan la xiriira dil magaalada Bristol Jimcihii loogu geystay wiil Soomaali ah

 

 

''Markii uu dilay kaddib ayuu ka baxay guriga, waxaana u tagay guri ay degeneyd Habaryartiisa, isaga oo u sheegay in uu soo dilay Ninkii ay guriga wada degenaayeen'' ayuu yiri qof ay qof ka tirsan ehellada marxuumka oo wax laga weydiiyay sida lagu ogaaday qofka dilka geystay.


Todoobaadkii hore ayeey aheyd markii wiil Soomaali lagu dilay Magaalada London, waxaana sanadyadii ugu dambeeyay kordhay dilalka loo geysanaayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip