Al-Shabaab oo burburiyay anteenooyin Isgaarsiineed

0
Sunday January 13, 2019 - 10:48:26 in Wararka by
  • Visits: 355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo burburiyay anteenooyin Isgaarsiineed

    Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegaysa dagaalyahano ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab inay bur buriyeen anteenooyin Isgaarsiineed oo ku yaalay degaano ku dhow degmada Gaarisa ee dalka Kenya. anteenooyin ayaa la sheegay Shabaabka inay ku xireen wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegaysa dagaalyahano ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab inay bur buriyeen anteenooyin Isgaarsiineed oo ku yaalay degaano ku dhow degmada Gaarisa ee dalka Kenya. anteenooyin ayaa la sheegay Shabaabka inay ku xireen waxyaabaha qarxa, kadibna sidaasi ay ku bur buriyeen, waxaana sidaasi xaqiijiyay Gudoomiyaha Magaalada Gaarisa

Waxaa uu sheegay anteenooyin la burburiyay inay la aheyd Shirkadda Safaricom, islamarkaana si aad ah degaanka looga isticmaalaayay.

Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Weelmareer oo ay gacanta ku haayeen Ciidanka dowladda Kenya, waxaana Shabaab dhankooda ay sheegtay in ay la wareegeen Gacan ku heynta degaankaasi.

Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer ku eedeeysay Al-Shabaab in ay burburiyeen Anteenooyinka ay leedahay Shirkadda isgaarsiinta Safaricom ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip