Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay tirakoobka Shaqaalaha D/Hoose

0
Sunday January 13, 2019 - 10:35:19 in Wararka by
  • Visits: 430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay tirakoobka Shaqaalaha D/Hoose

    Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in ujeedka ugu muhiimsan ee tirakoobka shaqaalaha Dawladda Hoose ay tahay sidii la iskugu xiri lahaa nidaamka shaqaale ee Dawladda dhexe iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in ujeedka ugu muhiimsan ee tirakoobka shaqaalaha Dawladda Hoose ay tahay sidii la iskugu xiri lahaa nidaamka shaqaale ee Dawladda dhexe iyo kan Maamulka, si meesha looga saaro dadka labadaMaamulka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu in muddo ah ku howllanaa sidii shaqaalaha Dawladda Hoose u shaqeeya lagu diiwaangelin lahaa, iyadoo howshan ay iska kaashanayaan Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka siiyey Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Saalax Axmed Jaamac nidaamka shaqaaleysiinta Gobolka Banaadir iyo habraaciisa, isagoo xusay in labada dhinac ay iska-kaashan doonaan sidii loo kordhin lahaa tayada iyo xirfaha shaqaalaha .

Sidoo kale Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan waxuu sheegay in natiijada ka soo baxaysa tirakoobkan ay wax badan ka badali-doonto xaaladda dhabta ah ee shaqaalaha, isla markaana ay arrintani ahmiyad weyn u leedahay in la helo shaqaale tiro yar oo tayo badan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip