Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur'aanka fiiri.Q-7aad.

0
Sunday January 13, 2019 - 10:24:08 in Wararka by
  • Visits: 787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur'aanka fiiri.Q-7aad.

    Hordhac: Nin Filasuuf oo la hadlayay Culumada ugu caansan dhinaca Seyniska reer Galbeedka ayaa yiri: Haddii ey Aqoontaadu yartahay, diin la'aan ayaad u dhawdahay, haddii aad Aqoon fiican leedahayna waxaad Aaminee Diin, waxaadna ku sii dhawaanee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac: Nin Filasuuf oo la hadlayay Culumada ugu caansan dhinaca Seyniska reer Galbeedka ayaa yiri: Haddii ey Aqoontaadu yartahay, diin la'aan ayaad u dhawdahay, haddii aad Aqoon fiican leedahayna waxaad Aaminee Diin, waxaadna ku sii dhawaanee Xaqiiqda. (Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur'aanka fiiri):
Q-7 Maqalka iyo Aragga.

(Allaah ayaa nasiiyay 5ta Dareeme ee aan kula xiriirno, Caalamka naga baxsan Sida: Maqalka, Aragga, Uriska, Dhadhanka iyo Dareenka Jirka) F.S: 3aad.

Qaar ka mid ah Culummada Cilmiga Biology-ga ee Casriga ah ayaa yiri: waxaan ogaanay in Maqalka uu ka mid ah Dareema yaasha Bani aadamku uu kula xiriiro Caalamka ka baxsan in laga hor abuuray Aragga.

Ubadka ku jiro Uuruka Hooyadana uu maqli karo Codka Hooyada inta uuna dhalan ka hor, Arraguna uu yimaado Waqti ka Dambeeyo Maqalka, arrintaa waxa ey ogaadeen Culumada Seynisku Mardhaw .

Quraankuna waxa uu noo sheegayaa in Maqalka la abuuray Aragga ka hor Fiiri: Sawirka 1aad [Quran 76.2] Aayadda Daliilka u ah oo leh : Dadka waxaan ka Abuurnay Maniyo Bacrinsan "fertilizing sperm” si aan u imtixaano, waxa kale oo aan u yeelanay Maqal iyo Arag.

Fiiri Sawirka 2aad Aayadda kale oo daliilka u ah [Quran 23.78] oo leh: Allah waa kii idiin Abuuray "Maqalka” iyo Aragga iyo Dareemka kale , waxaana yar inta ku shukrineeyso.

Marka kasta Quraanku waxa uu hor mariyaa Maqalka kadibna Aragga si loo muujiyo Tartiibta uu u soo kala hormaray Uunkoodo.

Sidee Rasuulkeena NNKH oo aan wax Qorin waxna Aqrin uu 1400 Sanno ka hor uu ku ogaaday in Maqalku uu ka horeeyay Aragga Uumis ahaan.

Allaah iyo Rasuulka CSW ayaa nooga cilmi leh.

La soco Qaybta 8aad.

Qore: Yahya Amir






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip