Gabadh xabadka ku salaantay wiil oo Jaamacadeedii laga eryay

0
Sunday January 13, 2019 - 10:10:59 in Wararka by
  • Visits: 267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh xabadka ku salaantay wiil oo Jaamacadeedii laga eryay

    Jaamacadda ugu faca wayn dalka Masar ee, Al Azhar ayaa laga eryay gabadh ardayad ah sababo la xiriira in laga daawaday muuqaal ayadoo xabadka ku salaamaysa wiil arday ah. Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay labadaan arday oo ku sug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaamacadda ugu faca wayn dalka Masar ee, Al Azhar ayaa laga eryay gabadh ardayad ah sababo la xiriira in laga daawaday muuqaal ayadoo xabadka ku salaamaysa wiil arday ah. Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay labadaan arday oo ku sugnaa goob u muuqatay inay tahay maqaayad Kafeega laga cabo. Wiilka ardayga ah ayaa la sheegay inuu jilba jabsaday kadibna uu gabadha u dhiibay ubaxyo, taasi oo uu uga codsanayay guur. Gabadhan yar ee ardayadda ah ayaa la sheegay In ayana ay u muuqatay mid argagaxsan. Kadibna wiilka ayaa istaagay oo xabadka ku salaamay. Madaxa jaamacada al-Azhar ayaa sheegay in gabadha ardayadda ah laga eryay jaamacada maadama ay jabisay anshaxa iyo qiyamka jaamacadda. Jaamacadda Al-azhar ayaa ah tan ugu weyn caalamka ee muslimiinta Suniga ah ee laga barto culuumta islaamka. Dhanka kale, lama sheegin nooca ciqaabeed ee lagu sameeyay wiilka oo isna arday ka ahaa jaamacadda.


Jaamacadda Azhar ma ogola in wiilasha iyo gabdhuhu ay is dhex galaan.
Image captionJaamacadda Azhar ma ogola in wilasha iyo gabdhuhu ay is dhex galaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip