Soomaaliland Oo Aqoonsi Ku Raadinaysa Marti-Gelinta Dalalka Danaynaya Inay Saldhigyo Milliteri Ka Dhistaan

0
Sunday January 13, 2019 - 00:16:44 in Wararka by
  • Visits: 306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliland Oo Aqoonsi Ku Raadinaysa Marti-Gelinta Dalalka Danaynaya Inay Saldhigyo Milliteri Ka Dhistaan

    Maamulka Somaliland ayaa la sheegay inay danaynayaan inay Milliteriga dalalka Britain iyo Raashiya ku marti-geliyaan inay saldhigyo baddeed ka samaystaan Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Somaliland ayaa la sheegay inay danaynayaan inay Milliteriga dalalka Britain iyo Raashiya ku marti-geliyaan inay saldhigyo baddeed ka samaystaan Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa la sheegay inay danaynayaan inay Milliteriga dalalka Britain iyo Raashiya ku marti-geliyaan inay saldhigyo baddeed ka samaystaan Somaliland.

Toddobadakii la soo dhaafay, Xoghayaha Difaaca Britain, Gavin Williamson waxa uu booqasho aan la shaacinin ku tegay magaalladda Hargeys, isagoo la kulmay Madaxweynaha Maamulkaasi, Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo Difaaca iyo Taliyaha Ciiddanka Somaliland.

Sannadkii 1991-kii, ayey Somaliland sheegtay inay ka go’een Jamhuuriyadda Somalia, balse ma jiro Waddan aqoonsaday Ictiraaf-doonkooda 28-sanno jirsaday.

Madaxa Ergadda Somaliland ka jooga dalka Ethiopia, Axmed Xasan Cigaal ayaa u xaqiijiyey Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency inay Ciiddanka Badda ee dalka Britain Saldhig ka samaysan doonaan Dekedda magaalladda Berbera, waa sida uu hadalka u dhigay.

Mar wax laga weydiiyey inuu xaqiijiyo dareenka Britain ee ay Somaliland kaga dhisanayaan Saldhig Milliteri waxa uu tilmaamay inay Somaliland istaraatijiyad muhiim u tahay Caalamka, isla markaana ay xiriir taariikhi ah la leeyihiin Britain.

Sidoo kale, Ciiddanka Badda ee dalka Raashiya ayaa la sheegay inay doonayaan inay Saldhig Milliteri ka dhistaan magaallo xeebeedka Saylac ee Somaliland, halkaasi oo Saldhig u noqon doonta 1,200 Askar Raashiyaan ah iyo hubkooda kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee, Hanka Somaliland ee ay doonayaan inay ku kasbadaan Dalalka danaynaya Saldhigyadda Milliteri ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay dalka Jabuuti ku yaallaan Saldhigyadda Milliteri ee ugu badan ee dalalka shisheeyaha ku leeyihiin Geeska Afrika.

Waddanka Jabuuti waxay haatan marti-gelisay Saldhigyadda Ciiddanka Badda ee dalalka Faransiiska, Maraykanka, Shiinaha, Japan iyo Talyaaniga, waxaana ka soo gala Dakhli ballaaran.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip