Doorashada Madaxtinimada Congo oo lagu murmay
Tani waxay keeni doontaa inay aad u niyad jabaan malaayiinka qof ee rajaynayay in doorashada ay u horseedeyso isbeddello badan.
Madaxwaynaha xiga ayaa waxaa la gudboon inuu la shaqeeyo xisbiyada siyaasadeed ee hadda jira, kuwaas oo lagu eedeeyay wax is daba marin, halka laga doonayay inay wax ka beddelaan nolosha dadka.
Weli waxaa jira walaac ah in khilaafka ka taagan codbixinta madaxweynaha ay ka dhalan karaan rabshado.
Dhanka kale, hoggaamiyaha mucaaradka Martin Fayulu ayaa lagu wadaa inuu maxkamad geeyo dacwad ka dhan ah natiijada doorashada, isagoo aaminsan in looga shubtay doorashadaas.
Ciidammada ammaanka ayaa lagu daad gureeyay meel u dhow halka uu deggan yahay Martin.
Wuxuu ku adkeysanayaa inuu ku guuleystay doorashadii bishii hore. Isagoo codsaday in si caadi ah loo xisaabiyo codadka.
Balse guddiga doorashada ayaa Felix Tshisekedi ku dhawaaqay inuu guuleystay. Fayulu ayaa ku eedeynaya Tshisekedi inuu heshiis awood-qaybsi ah la galay madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Joseph Kabila.
BBC
Doorashada Madaxtinimada Congo oo lagu murmay
Natiijada rasmiga ah ee doorashada baarlamaaniga ah ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo oo la shaaciyay ayaa waxaa inta badan kuraasta ku guuleystay xisbiyada xulafada la ah madaxweynaha xukunka ka sii degaya, Joseph Kabila. Codbixinta mada