Muwaadin Dhalashadiisa Lagu Murunsanaa Oo Lumiyey Rafcaan Uu Ku Sii Joogi Lahaa Norway

0
Sunday January 13, 2019 - 00:00:53 in Wararka by
  • Visits: 289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin Dhalashadiisa Lagu Murunsanaa Oo Lumiyey Rafcaan Uu Ku Sii Joogi Lahaa Norway

    Maxkamadda Rafcaanka ee Borgarting ee ku taalla caasimadda dalkaasi ee Oslo waxay daaqadda ka tuurtay Rafcaan uu qaatay Mahad Maxamuud, isla markaana Kansal-gareysay Muwaadinimadiisa Norway (The Norwegian citizenship). Wargeyska Aftenposten ayaa q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Rafcaanka ee Borgarting ee ku taalla caasimadda dalkaasi ee Oslo waxay daaqadda ka tuurtay Rafcaan uu qaatay Mahad Maxamuud, isla markaana Kansal-gareysay Muwaadinimadiisa Norway (The Norwegian citizenship). Wargeyska Aftenposten ayaa qoray in Mahad Maxamud oo dalka Norway tegay sannadkii 2000 uu sheegtay inuu yahay Muwaadin Somali oo 14-jir ah, waxaana la siiyey Deganaansho KMG.

Oslo 20170313. Mahad Mahamud tapte saken om statsborgerskap. Foto: Terje Pedersen / NTB scanpix
 

Sannadkii 2008-dii waxaa la siiyey Dhalashadda ama Muwaadinimadda Norway, waxa uu bartay Cilmiga Biyoengineer, isagoo shaqo ka helay Isbitaalka Ullevål Hospital.

Sannadkii 2013-kii, Guddiga Rafcaanka Muhaajiriinta ee dalkaasi (UNE) waxay heleen Far-muuqis ku aadan inuusan Mahad Maxamuud ahayn khiyaanay Maamulayaasha dalka Norway,

Boliska waxay la xiriireen isaga, waxay fureen baaritaanka Kiiskiisa, iyadoo 3 sanno kadib ay Guddiga Rafaanka Muhajairiinta ee dalkaasi u soo baxday inuu Mahad Maxamudu oo 29-jir ah uusan ka imaanin Somalia.



Waxa uu lumiyey Dhalashaddii Norway iyo shaqadiisa, isagoo aaday Maxkamad si uu u helo Go’aanka dib loogu eegay Kiiskiisa, balse, Maxkamadda Degmadda Oslo waxay go’aansatay sannadkii 2017-kii in Shahaadada Dhalashadda ee Mahad Maxamuud tahay mid la been abuuray, isla markaana markii uu iska dhiibayey Norway da’diidsu u dhexeysay 18 ilaa 20-jir.

Maxkamadda Degmadda Oslo waxay kaloo sheegtay in Mahad Maxamuud isaga iyo Qoyskiisa ka yimaadeen dalka Jabuuti oo aysan ka imaanin Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda Rafcaanka ee Borgarting waxay haatan xaqiijisay in ay laaleen Codsigiisa ku aadanaa inuu sii joogo dalka Norway,




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip