XASAN ROOBLE: "Waxaan ka baqeynaa in isku dhac yimaado, anagoo markii horeba qaati ka joognay…"

0
Saturday January 12, 2019 - 23:57:00 in Wararka by
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XASAN ROOBLE: "Waxaan ka baqeynaa in isku dhac yimaado, anagoo markii horeba qaati ka joognay…"

    Bishaan gudaheeda waxaa si rasmi ah xeebaha Soomaaliya uga kalluumeysanaya 32-Doon oo ah nooca casriga ah lagana leeyahay dalka Shiinaha kaddib markii dabayaaqadii sanadkii 2018-dii heshiis la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Doonyahaan oo sit

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bishaan gudaheeda waxaa si rasmi ah xeebaha Soomaaliya uga kalluumeysanaya 32-Doon oo ah nooca casriga ah lagana leeyahay dalka Shiinaha kaddib markii dabayaaqadii sanadkii 2018-dii heshiis la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Doonyahaan oo sita qalabka lagu jillaabto Kalluunka oo casri ah ayaa loo ogolaaday inay xeebaha Soomaaliya kala baxaan Kalluunka nooca Toonaha laga sameeyo, kaasi oo si weyn looga isticmaalo gudaha dalka.

Kalluumeysatada Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa VOA u sheegay xaaladda ay ku sugan yihiin iyo saameynta uu ku yeelanayo shirkadaha ajnabiga ah ee ka kalluumeysanayay xeebaha dalka Soomaaliya, iyagoona sheegay inay arrintaasi dhibaato ku keeneyso howlahooda.

"Waxaan ka baqeynaa in meeshaas isku dhac ka yimaado, anagoo markii horeba qaati ka joognay maraakiibta sida sharci darrada ah xeebaheena uga kalluumeysaneysaā€¯ ayuu yiri Muuse Macow oo ah guddoomiyaha iskaashatada kalluunka.

Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegtay inay ilaalineyso xuquuqda ay leeyihiin kalluumeysatada Soomaalida, iyagoona sheegay in heshiisyada ay la gelayaan shirkadaha ajaanibta ah aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip