Doorashada Maamul Gobaleedyada iyo tan dowladda dhexe mexey isaga mid yihiin?=Nasashada Jimcaha. Q-152aad=

0
Friday January 11, 2019 - 22:31:51 in Wararka by
  • Visits: 865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada Maamul Gobaleedyada iyo tan dowladda dhexe mexey isaga mid yihiin?=Nasashada Jimcaha. Q-152aad=

    1-Nin Cabtooy ah ayaa la weeydiiyay haddii Wiil iyo Gabar kaligood meel cidlo ah ey joogaan oo aan qofina arkeyn, kadibna iyaga oo wada Qaawan ey Wabiga iskula qubeystaan, kadibna ey kala tagaan iyaga oo xatta Jirkoodu uuna meel iska taabn, ka waran?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin Cabtooy ah ayaa la weeydiiyay haddii Wiil iyo Gabar kaligood meel cidlo ah ey joogaan oo aan qofina arkeyn, kadibna iyaga oo wada Qaawan ey Wabiga iskula qubeystaan, kadibna ey kala tagaan iyaga oo xatta Jirkoodu uuna meel iska taabn, ka waran? . Cabtooygii ayaa yiri: Labadaas sheeydan kii la joogay ayaa ahaa mid khaniis ah. (Dad walaalo ah,isku Luqad,isku dhaqana,isku Dal ah, isku Diin ah, oo hadana is diidan, Sheeydaanka isku diray Magacii?)

2-Gabar ayaa Aabaheed ku tiri: Aabe, Adiga iyo injirtu meesha aad iskaga midka tihiin, ma taqaan? Odeygii oo xanaaqsan ayaa yiri: waryaa, ma Aniga ayaad injir ila meel dhigtay?. Suun yuuna Doontay si uu u garaaco. Gabadhii ayaa ku tiri: Maya Aabe laakin Labadiinuba Madaxa ayaad ii saaran tihiin. ( F.S: 1 & 2aad)

(Doorashada Maamul Gobaleedyada iyo tan dowladda dhexe mexey isaga mid yihiin?)

3- Nin Gaalkacyo Bus-ka Dadweynaha ku wadi Jiray ayaa Xamar shaqo ka helay, waxa loo dhiibay Baabur Ambulance-kii Isbitaalka. Maalintii dambe Qarax ayaa dhacay, waxa uuna soo qaaday dad aad dhaawac u ah, kadibna waxa uu bilaabay in uu Goob kasta oo Buska laga raaco uu istaajiyo Ambulance-kii.

Waxaa lagu yiri: War maad dhaqaaqdid oo Dadkan dhaawaca ah aad Isbitaalka ka gaarsiisid ? Waxa uu yiri: waxaan Sugayaa Dhawac kale.( F.S: 3aad)

( Qandaraaslaha Dhagxaha Xamar Jidadka lagu xiro, ayaa dhagxa badan oo uu sameeyay Bakhaar ka buuxiyay, waxaa lagu yiri: Dhagxaantaan maa Jidadka la sii dhigo, si Nabadgalyada loo sugo? Waxa uu yiri: Marka uu Qarax dhaco ayaa la dalbadaa) ( F.S: 4aad)

4- Nin iyo Naag kaligood Guri degan oo Aroos Todobadii ku jiro, ayaa Albaabka Qof u soo garaacay, Xiligaa Ninkeedu Musqusha ayuu ku jiray. Naagtii oo Shukumaan yar (Towel) u xiran yahay oo is hilmaantay ayaa iridii ka furtay. kadibna waxa ey aragtay wiil yar oo Ciyaalka Xaafadda ah oo Albaabka taagan.

Waxa eyna ku tiri: Maxaad rabtaa? Waxa uu jeebka ka soo bixiyay 10.000 Dollar, waxa uuna ku yiri: 10.000 kan Dollar ayaa iga dhimato haddaad Shukumaanka hal mar iska wada qaado.

Shukumaankii ayey iska wada qaaday oo hoos u sii deeysay. Wiilkiina 10.000 Dollar ayuu siiyay, kadibna Albaabkii ayey soo Xirtay. Ninkeedii oo Musqusha ka soo baxay ayaa ku yiri: Waa kuma, Qofka Albaabka nagu soo garaacay? Waxa ey ku tiri: Wiil xun oo Ciyaalka Xaafadda ah ayuu ahaa, waana iska Tegay.

Ninkeedii ayaa ku yiri: Anniga ayaa la balansanaa, Maalin dhaweyd ayaa Aabihii 10.000 Dollar iga Deeynsaday, Subaxaan ayuuna i soo wacay, iguna yiri: Wiilkeyga ayaan Lacagtii kuugu soo dhiibayaa.

Naagtii Naxtin, Ku lahaa Gacaliye wiilkii Lacagtii waa iigu kaa dhiibay.( F.S: 5aad)

(Wasiir ayaa yiri: Heyad Caalamiya ayaa igu tiri, Haddaad Siyaasadiina Qaawisaan, Deynta waan idinka Cafineynaa, Amaah cusubna waan idin siinayaa. Siyaasaddii ayuu Qaawiyay….. kadibna,Wixii ku dhacay ha i warsan)

5- Muriidi Qasaaye oo ah wiil yar oo Aabihii Makhayad Qaxwada laga cabo uu ku leeyahay Masjidka Xamar weyne agtiisa , oo Odayaashu ku fadhi ku diriraan ayaa waxaa mar kasta soo fadhiisan jiray Oday Jaamac oo Reer Gaalkacyo ah.

Wiilkii ayaa maalintii Dambe Musmaar soo Qaatay, kadibna Oday Jaamac ayuu si xoog leh Isha uga muday, dhiig iyo dhacaan ayaana ka soo qulqulay ishii.

Wiilkii oo naxsan ayaa yiri: Maxaa loo lahaa Reer Gaalkacyo waa indha adag yihiin.( F.S: 6aad).

( Caruurta ha loo Fasiro ula jeedada Sarbeebta, haddii kale khaladka eey galaan ha loo dul qaato)

6- Oday Cumar oo 75 jir ah oo Qurbaha ka yimid, ayaa Qaraabadiisii ku khasabeen in uu guursado gabar 16 jir ah, wixii uu Lacag heeystayna waa laga qaatay.

Habeenkii Gabadhii oo naxsan oo la is dhinac jiifo, Oday Cumarna uuna Tabar isku ogeyn, Gabartuna ey is leedahay muxuu kugu sameeyn doonaa!

Ayaa Oday Cumar waxa uu kor u taagay 5 tiisa Farood. Gabartii Naxtin, waxa ey tiri: Ma 5 mar. Oday Cumar ayaa ku yiri: Maya, ee 5 taan farood midka dooro. ( muxuu ku sameyn rabaa faraha, ileeyn tabar kale ma jirtee, Adlee waaye). ( F.S: 7aad)

( Xildhibaano ayaa loo Qaybiyay, nuqol ka mid ah Miisaaniyada Dalka, si looga doodo, maalin kadib ayaa la isku yimid si looga doodo- Madaxyada, Odoraska, Qoondaha, dheeli tirka Dakhliga, deeqaha la filayo,Haraa hore, iwm, Xildhibaan ayaa Farta taagay oo yiri: Eray bixintaan & Qoraalka Af somaligu waa igu Adagyahay, ee Ingriis ha loo soo bedelo Qoraalka Miisaaniyadda)

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip