SUUQA KALA IIBSIGA: Chelsea Oo Ku Biirtay Xiddigaha Ceyrsanaya Odion Ighalo Isagoo Ka Mid Ah Qorshahooda Xagaaga.

0
Wednesday January 20, 2016 - 10:55:54 in Sports News by
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SUUQA KALA IIBSIGA: Chelsea Oo Ku Biirtay Xiddigaha Ceyrsanaya Odion Ighalo Isagoo Ka Mid Ah Qorshahooda Xagaaga.

    Chelsea ayaa qiimeyneysa xaalada weeraryahanka kooxda Watford Odion Ighalo sida ay saaka qortay jariirada Daily Mirror. 26 jirkaan ayaa dhaliyay 13 gool 23 kulan uu u saftay kooxda Watford xilli ciyaareedkan, waxaana uu ku dhameystay xididga ugu goo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea ayaa qiimeyneysa xaalada weeraryahanka kooxda Watford Odion Ighalo sida ay saaka qortay jariirada Daily Mirror. 26 jirkaan ayaa dhaliyay 13 gool 23 kulan uu u saftay kooxda Watford xilli ciyaareedkan, waxaana uu ku dhameystay xididga ugu goolasha badnaa sanandkii 2015 isagoo dhaliyay 30 gool.

Kooxda Blues ayaa ka mid ah dhowr kooxood oo uu soo jiitay xiddiga reer Nigeria Ighalo xilli ciyaareedkiisa ugu horeysa ee Premier League.

Chelsea ayaa durbaba diirada ku heysa dhowr weeraryahan oo ay muddo gaaban ku moodaan bishaan. Laakiin waxa ay u arkaan Ighalo xiddig ay la soo wareegi karaan xagaaga islamarkaana mustaqbal weyn ku yeelan kara kooxda.

Weeraryahanka Watford oo goolashiisa ay kooxda u soo saareen Premier League sannadkii hore ayaa awood iyo dhameystir fiican ku soo bandhigay goolkiisa hortiisa waxaana uu soo jitay kooxo badan.

Waxaa xiiseyneysa kooxda reer Spain ee Atletico Madrid, kooxda Talyaaniga ee AS Roma halka Arsenal ay iyadana isha la raaceyso.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip