Baadiri Kenyan Oo 5-Tii Sano Ee La Soo Dhaafay Faafinta Diinta Kirishtanka Ka Wada Muqdisho,Walina La Ogaan

0
Wednesday January 09, 2019 - 13:42:55 in Wararka by
  • Visits: 307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baadiri Kenyan Oo 5-Tii Sano Ee La Soo Dhaafay Faafinta Diinta Kirishtanka Ka Wada Muqdisho,Walina La Ogaan

    Wargeyska wordandway.org, ayaa warbixin ka qoray Baadari Kenyaan ah oo shantii sano ee la soo dhaafay faafinta Kiristaanimada ka wada Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska wordandway.org, ayaa warbixin ka qoray Baadari Kenyaan ah oo shantii sano ee la soo dhaafay faafinta Kiristaanimada ka wada Magaalada Muqdisho.

Baadarigan oo magaciisa qariyay hayeeshee la siiyay Magaca John ayaa sheegay in uu Muqdisho ku joogo Qandaraasle dhismaha ah,hayeeshee uu farriinta fidinta Kiristaanimada kawado Muqdisho.

Isaga oo la hadlayay wargeyska ayaa John waxaa uu sheegay in uu u dhashay Kenya,shan sano ka horna yimid Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Dadka Soomaalida ah aysan saaxiib la noqon dadka aan Muslimka ahayn,haddii ay kugu ogaadaan in aadan Muslim tahayna ay adagtahay in ay kula saaxibaan.

Mr John ayaa sheegay in qol yar ay isugu yimaadaan isaga iyo xertiisa oo sida uu sheegay u badan Soomaali uu gaarsiiyay Kiristaannimada si qarsoodi ahna ku qaatay,kuwaas oo ka baqaya in ay la wadaagaan qoysaskooda.

John ayaa tilmaamay in ay si qarsoodi ah u heesaan,una cibaadeystaan marka ay fursad isu helaan iyaga oo iska qarinaya dadka kale ee Soomaalida ah.

Kaniisaddii ugu dambeysay eek u taallay Soomaaliya ayaa Albaabada loo laabay Bishii Agust ee Sanadkii 2017kii,waxaana ay ku taallay Magaalada Hargeysa.

Sawirkan maha Baadariga magaciisa loo bixiyay John ee Muqdisho jooga.

Wakiilka Popka Vaticanka ee Jabuuti iyo Soomaaliya oo ku sugan Dalka Jabuuti ayaa sheegay in nolosha dadka aan Muslimiinta ahayn ee Soomaaliya ay Qatar badan ku jirto.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip