Dad Ka Ganacsanayay Hilib Ey Iyo Diin Diin Oo Gacanta Lagu Dhigay

0
Wednesday January 09, 2019 - 13:35:48 in Wararka by
  • Visits: 428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Ka Ganacsanayay Hilib Ey Iyo Diin Diin Oo Gacanta Lagu Dhigay

    Booliska dowladda Kenya ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay Gacanta ku dhigeen Saddex Ruux oo Ajaanib ah kuwaas oo ka Ganacsanayay Hilibka Xayawaanka sida,Fool Maroodi,Hilib Ey, geeska wiyisha iyo Diin diin Nool. Howlgalka ayaa Ciidamada waxa ay ka fu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska dowladda Kenya ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay Gacanta ku dhigeen Saddex Ruux oo Ajaanib ah kuwaas oo ka Ganacsanayay Hilibka Xayawaanka sida,Fool Maroodi,Hilib Ey, geeska wiyisha iyo Diin diin Nool. Howlgalka ayaa Ciidamada waxa ay ka fuliyeen Xaaafada Kilimani ee Magalada Nairobi dalka Kenya,waxaana howlgalkaas ay kusoo qabteen Saddex Nin oo u dhalatay dalka Shiinaha,kuwaas oo ku sugnaa Guri ay Hilbaha Xayawaanka ku hayeen.

 
Saraakiisha Booliska Kenya ayaa waxa ay sheegeen in Saddexda Nin ee u dhashay dalka Shiinaha Maanta oo Arbaco ah gelinka dambe Maxkamad lasoo taagi doono.

Badeecooyinka lagu qabtay ajaanibtaas ayaa kontorobaanka ah dalka Kenya,waxaana lagu qiyaasay Qiimaha Badeecadahaas aduun lacageed oo dhan 2 Million oo shilinka dalka ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip