Laba askari oo lagu dilay Muqdisho

0
Wednesday January 09, 2019 - 13:16:32 in Wararka by
  • Visits: 303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba askari oo lagu dilay Muqdisho

    Dabley hubaysan oo Shabaab ka tirsan, ayaa saaka nawaaxiga Isgoyska Ex-Control Afgooye waxa ay ku dileen laba askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabley hubaysan oo Shabaab ka tirsan, ayaa saaka nawaaxiga Isgoyska Ex-Control Afgooye waxa ay ku dileen laba askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

Dilka oo dhacay saaka aroortii ayaa Shabaab askartaan waxa ay ku dileen qaab gaadmo ah, kadib markii rag bistoolado watay oo Shabaab ka tirsan ay beegsadeen labada askari.

Raggii Shabaab ka tirsanaa ee dilka gaystay ayaa ka baxsaday goobtii ay ku dileen labada askari, waxaana goor dambe halkaasi gaaray ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

Labada askari ee la dilay ayaa la sheegay inay ka soo baxeen hoyga ay ka degan yihiin nawaaxiga Isgoyska Ex-Control Afgooye.

Goobta Shabaab ay ku dileen labadan askari, ayaa waxaa ka agdhaw Ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Somaliya, balse xilli ay baxsadeen raggii Shabaab ayeey halkaasi gaareen.

Amniyaadka Al Shabaab ayaa dilal qorsheysan waxa ay la eegtaan Ciidamada dowladda iyo masuuliyiinta Maamulada Degmooyinka iyo Shaqaalaha rayidka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip