Kenya oo sameysatay Ciidamo Somali ah oo Shabaab la dagaalama

0
Tuesday January 08, 2019 - 23:30:20 in Wararka by
  • Visits: 277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo sameysatay Ciidamo Somali ah oo Shabaab la dagaalama

    Dowladda Kenya aaya boqolaal Ciidan ah tababar ugu soo xirtay maagaalada Gaarisa ee Ismaamulka Soomaalida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya aaya boqolaal Ciidan ah tababar ugu soo xirtay maagaalada Gaarisa ee Ismaamulka Soomaalida.

Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayey dowladda Kenya ku bixisay qarash iyo waqti badan, sida ay sheegeen saraakiisha Gobolkana ciidankan waxaa la geyn doonaa sohdinta Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamadan oo dhamaantood Soomaali ah ayaa Gudoomiyaha Gaarisa waxaa uu sheegay in ay yihiin dad kala garan kara dadka rayidka ah iyo Al-Shabaab islamarkaana awood u leh in ay ka hortagaan weerarrada Al-Shabaab.

Taliyaha Booliska Gobolka Soomaalida Al Xaaji Cumara ayaa sheegay in wada shaqeyn dhexmarta Dadka Soomaalida ah iyo Ciidamada Soomaalida ah ee Gobolkooda ay suurtagal ka dhigi karto in la xakameeyo weerarrada Al-Shabaab.

Kenya ayaa 2011-kii Ciidankeeda soo gelisay gudaha Soomaaliya iyada oo xilligaas sheegaysay in ay ka hortageyso Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa weerarro ay boqolaal qof ku dhinteen ka geysatay Kenya tan iyo xilligaas ilaa markii dambe ay Kenya sheegtay in ay darbi ka dhiseyso sohdinta ay la wadaagto Soomaaliya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip