Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo War Ka Soo Saartay Doorashada Ka Dhacday Puntland

0
Tuesday January 08, 2019 - 23:03:09 in Wararka by
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo War Ka Soo Saartay Doorashada Ka Dhacday Puntland

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay Doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay Doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa Magaalada Garoowe Maanta ku doortay Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilimi Cismaan (Karaash).

War-saxaafadeed ka soo baxaay Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loogu hambalyeeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland oo Maanta lagu doortay Magaalada Garoowe.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa Madaxda cusub ee Puntland u rajeysay in uu xilkooda Alle u fududeyso,isla markaana Shacabka reer Puntland uu Alle siiyo Guul iyo horumar.

Doorasho ka dhacay Magaalada Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha cusub ee Puntland loogu doortay Saciid Cabdullaahi Deni kaasi oo helay Codad gaaraya ilaa iyo 35 Cod ,halka Madaxweyne kuxigeen loo doortay Axmed Cilimi Cismaan (Karaash) oo isna helay 47 Cod.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip