Guddoomiye todobaad gudihiisa loo magacaabay labo degmo oo maanta la wareegay xilka degmada X/Jajab

0
Tuesday January 08, 2019 - 22:41:00 in Wararka by
  • Visits: 434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye todobaad gudihiisa loo magacaabay labo degmo oo maanta la wareegay xilka degmada X/Jajab

    Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Oranje) ayaa maanta la wareegay xilka Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab oo dhowaan loo magacaabay, kaddib munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacday xarunta degmada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Oranje) ayaa maanta la wareegay xilka Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab oo dhowaan loo magacaabay, kaddib munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacday xarunta degmada.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaan iyo Wasiiro, waxaana Guddoomiye Ismaaciil Oranje uu kala wareegay xilka Guddoomiyihii hore ee degmada Xamar jajab C/weli C/llaahi Maxamed oo isaga todobaad ka hor loo magacaabay degmada Yaaqshiid.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab Ismaaciil Mukhtaar Oranje oo ahaa Wariye ka tirsanaa Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inuu la imaan doono waxqabad muuqdo, isagoo ka mahad celiyay soo dhoweynta loogu sameeyay xarunta degmada Xamar Jajab.

Ismaaciil Oranje ayaa todobaad gudihiis loo magacaabay labo degmo 31-kii bishii December ee sanadkii hore ayaa loo magacaabay degmada C/casiis, hase ahaatee maalmo kaddib ayaa hadana loo magacaabay degmada Xamar Jajab.

Magacaabidiisa degmada C/casiis ayaa waxaa ka dhashay caqabad, kaddib markii Madaxda sare ee dalka ay farageliyeen, taasoo ka dhalatay ashtako Xildhibaano iyo Wasiiro ka keeneen xil ka qaadista Guddoomiyihii C/casiis Sharmarke Ladane oo markii dambe xilkiisa loo daayay.



HALKAAN KA DAAWO VIDIO:-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip