AKHRISO: Taariikh nololeedka Madaxweynaha cusub ee Puntland

0
Tuesday January 08, 2019 - 22:35:42 in Wararka by
  • Visits: 309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AKHRISO: Taariikh nololeedka Madaxweynaha cusub ee Puntland

    Barlamaanka Puntland ayaa madaxweynaha maamulkaasi u doortay Saciid Cabdullaahi Dani oo ku dhashay magaalada Muqdisho sanandkii 1966-dii, Madaxweyne Siciid Dani ayaa waxbarashada dugsiga dhexe iyo kan sare ku qaatay isla magaalada Muqdisho. Wuxuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barlamaanka Puntland ayaa madaxweynaha maamulkaasi u doortay Saciid Cabdullaahi Dani oo ku dhashay magaalada Muqdisho sanandkii 1966-dii, Madaxweyne Siciid Dani ayaa waxbarashada dugsiga dhexe iyo kan sare ku qaatay isla magaalada Muqdisho. Wuxuu sidoo kale ka baxay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuliyaddii luuqadaha. Wuxuu sidoo kale takhasuuskiisa kusoo qaatay dalka Malaysia, ka hor inta uusan ku biirin siyaasadda. Saciid Dani ayaa Soomaaliya ka soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid tahay wasiirka qorsheynta ee dowladdii Xassan sheikh iyo xildhibaan dowladda federaalka sannadkii 2012-kii, waxaana siyaasad ahaan la sheegaa in uu aad ugu dhawaa dowladdii Xassan Sheekh Maxamuud. Saciid Dani oo aan Soomaaliya ka bixin ayaa waxaa uu deegaanada Puntland ka hirgeliyay shirkado ganacasi, waxaana siyaasadda uu kusoo biiray sannadkii 2002. Saciid Cabdullaahi Dani ayaa kamid ahaa musharixiintii u tartamayay xilka madaxweynaha ee Soomaaliya sannadkii 2016-kii.

Loolanka doorashada

Saciid Cabdullahi Deni waxaa uu tartan culus geliyay Musharixiintii la tartameysay waxaana kamid ahaa madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas, oo isagu hormuud ka ahaa khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaana laga warsugayaa sida uu noqon doono xiriirkaasi maalmaha soo socda,

Doorashada Saciid Cabdullahi Deni waxay mugdi gelineysaa mustaqbalka siyaasadeed ee madaxda maamul-goboleedyada ee ku soo haray iskaashiga maamul-goboleedyada, sidaasi waxaa qaba khubarada ka faalooda siyaasada geeska Afrika.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip