Ma ogtahay, Iska Hubi, yaan lagu gaadin Soomaaliyey!!!.

1
Sunday January 06, 2019 - 01:46:03 in Wararka by
  • Visits: 929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma ogtahay, Iska Hubi, yaan lagu gaadin Soomaaliyey!!!.

    Golaha Amaanka ee Jamciyadda Quruumaha ( JQ) waxaa uu ka koobmaa 5 ta xubnood ee joogtada ah ( USA, Uk, China, Ruushka iyo France) iyo 10 xubnood oo labadii Sannaba mar la doorto. K/ Afrika ayaa maanta ka mid noqotay Golaha, xilkana sii heyndoonta l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Amaanka ee Jamciyadda Quruumaha ( JQ) waxaa uu ka koobmaa 5 ta xubnood ee joogtada ah ( USA, Uk, China, Ruushka iyo France) iyo 10 xubnood oo labadii Sannaba mar la doorto. K/ Afrika ayaa maanta ka mid noqotay Golaha, xilkana sii heyndoonta labada sanno ee 2019-2020, waana Mrkii 3aad ee loo doorto tan iyo 1994, waxa ey bedeshay Dowladda Ethiopia oo xubin soo aheyd 2 sanno. Waana halka lagu gaaro go'aamada la xiriira Nabadgalyada, Xuquuqul Insaanka iyo guud ahaan go'aamada siyaasadeed ee Caalamiga ah. Igaarkoodii Mr. Haysona waan ceyrinay oo xattaa haddii la bedelo go'aanadii uu gaaray ey sii socon doonaan.

Si ey booskaa u helaan Madaxweynaha Dalka K/ Africa Mr. Cyril Ramaphosa ayaa dhowr bil ka hor xodxodasho u tagay New york si uu taageero uga helo Golaha guud oo soo Doorto Xubnahaa, go’aankan Doorashada waxaa aad u soo dhaweeyay Wasiiradka Xiriirka caalamiga iyo Iskaashiga ee K/Afrika. Lindiwe Sisulu. Xubnaha Cusub ee ku soo biiray Golaha sannadkaan waxaa ka mid ah Jarmalka iyo Biljim, labadaba waa la hubaa waxa ey la safanayaan K/Afrika oo aan abaal noo heyn, haddii mustaqbalka miiska la soo saaro arrimo la xiriira Somaliya, meeshu waa sida suuq, waxaana lagu kala bedeshaa siyaasadda.

ARRAGTI QOFEED.

Aqoonta gaaban ee aan u leeyahay Xarunta Gulaha Amaanka.

Hadda ka hor waxaan shaqo u tagay Xarunta UN- Xafiiska Golaha amaanka, si aan farsama ahaan u caawiyo wafdi Soomali ah oo nin wasiir ahi hor socdo, nassib Daro wafdiigii waa baaqday, waxaana la iisheegay in ey Qaraaba salaam aadeen oo qoysas koodii soo booqanayaan, kaligeey ayaana ku noqday meeshii ( F.S: 1aad).

Anigu ma matali Karin Booskoodii, oo maba aheyn shaqaale doowladeed, xattaa haddii aan ahaan lahaa Agaasime Waaxeed waa la i tix galin lahaa. Laakin hayad Caalamiya ayaa iga codsatay in aan wafdigaa Farsamo ahaan ka caawiyo marka ey la kulmayaan golaha amaanka ee JQ.

Waxa ey aheyd markii iigu horeysay ee aan tago New york iyo Xarunta UN-ka. Magaaladaaba i qashiinsaneeysay. waxaan watay Passporkii Caadiga ahaa ee Soomaaliga. Service passport & mid Diplomatic passport midna ma wadan, iley shaqaale doowlo iyo Diplomacy ma aheeyne.

Irida hore ayaa la igu celiyay, mesha oo aad loo ilaaliyo, waxa la igu yiri: weli ma arag cid passporkaan caadiga wadato oo halkaan shaqo u soo aaday, Laakin magaceyga ayaa irida yiil.

waxaa ii timid gabar soomaliya oo aad u da’ yar oo howl kar ah, Safaardana si mutadawacnimo ah u caawiso, fir fircooni iyo Dal jaceylna uu ka muuqdo, "Haboonaan leheeyda in Xilalka diplomaasiyadda Haween somaliya oo loo tababaray loo badiyo. Gudaha waxaan ku balansaneeyn Qunsulka somaalida, Safiirku Muddaba waa iska maqnaa. Caadiyan UN- waxaa loo dirtaa Ergo ka kooban dhowr qof oo Khibrado kala duwn leh, Laakin Somalidu sidaa ma yeelin.

Qofka kaliya oo aan ka aqiin Xarunta waa Nin Japan ah oo mar uu arday ka ahaa Jaamicada Tokyo University ey Jaamacadiisu anniga oo Xamar joogo iga codsatay in aan Gacan ka siiyo qoraalka Buugiisii Qalin jabinta PhD oo Afrika ku saabsanaa, markii dambena shaqa ayuu ka helay qeybta Siyaasadda ee UN- New york.

Waxaa kale oo aan gudaha kula kulamya Safiirkii K/ Afrika u fadhiyay UN-ka waqtigaa waxaan dareemay in K/ Afrika ey Dad culus u soo dirsatay halkaa, oo aad ula socdo waxa ka socdo Xarunta. ( F.S: 2aad)

Kadibna waxaan isku diyaariyay in aan xubno ka mid ah Golaha Amaanka aan talo guud oo aan u arkay danta Soomaalida aan iska siiyo, Bacdamaa ey u baahnaayen, anna aan Rabay in dalkeeyga fikir fiican laga qaato. Kadibna waan isaga soo baxay (F.S: 3aad)

Siyaasi ma ihi laakin sida ii muuqato, arrinta Mr. Hayson, waxaa ku xigi kara, Culeysyo badan oo Siyaasadeed iyo qiima dhac Diplomasiyadeed oo aanan ka hadli Karin, Go’aanadii uu gaaray Hayson oo waajib ku ah JQ in ey nagu fuliso, iyo go’aano cusub oo shaqsiyaad soomaliya laga gaari karo. Isku soo wada Duube Go’aanka Xoghayaha guud ee QM Mr. António Guterres waxa uu ahaa ( waad ku khaldantihiin Go’aankaa, Laakin Caalamku idinku daysan maayo hadda). Waxa nalala damacsan yahay ma yaro, Allah ayaa og sida waxa ey ku dhamaan doonto, welise ma dhamaan, sharta Alla hana mootiyo.

Amb. Abuukar Baale, saaxiibkeey waxaan wada dhiga jirnay Koleejadii Jowhar, waa Nin dadaalaa, laakin Meesha saan ku soo arkay, kaligii kuma Filna ee dad kale ha lagu kordhiyo sida caalamka kale, kuwaa oo ah Ergo la shaqeeyso isaga. Ahna Dad ka bixi karo, lama rabo qof sida anniga oo kale eynan siyaasadu u bilaawneyn.

FG: Arragtidaada xur ayaad u tahay, wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimana ku dar.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip