AKHRISO: Maxa ka taqaanaa dhismaha caanka ah ee Taj Mahal ?

0
Wednesday January 02, 2019 - 21:08:42 in Wararka by
  • Visits: 1024
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AKHRISO: Maxa ka taqaanaa dhismaha caanka ah ee Taj Mahal ?

    Taj Mahal "Qasriga boqortooyooyinka" waa madxaf ka sameysan dhagax cad oo aad u adag kuna yaalla dhanka koofureed ee wabiga Yamuna ee magaalada Agra ee dalkaasi hindiya, Waxaa dhisay boqorkii lagu magacabi jiray Shah Jahan ee xukumayey boqo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taj Mahal "Qasriga boqortooyooyinka" waa madxaf ka sameysan dhagax cad oo aad u adag kuna yaalla dhanka koofureed ee wabiga Yamuna ee magaalada Agra ee dalkaasi hindiya, Waxaa dhisay boqorkii lagu magacabi jiray Shah Jahan ee xukumayey boqortooyadii Mughal emperor sanadku markuu ahaa 1631, waxaana ka qeyb qaatay dhismaha 22,000 oo shaqaale ah, wxaana jooga sare ee dhismaha uu gaaraayaa dhirir ah 50 mitir sidoo kale waxa uu leeyahay afar Minaarad oo uu joogoodu gaarayo 137 fiit, sidoo kale waxaa ku yaallo goobo gardiinno ah oo badkeedu gaarayo 300 mitiris( metters). Dhismahaan ayaa waxa uu Boqorkii dhisay uu u dhisay xaaskiisa Mumtaz Mahal oo geeriyootay iyada oo foolanaysa cungoodii 14'aad oo lagu magacaabi jiray Gauhara Begum, waxaana uu u dhisay in uu kusoo xasuusto xaaskiisa oo la aaminsanyahay in uu aad kaga murugooday warka geerideeda, iyadoo Khabriga xaaskiisana uu ku dhex dhisay isla dhismaha Taj Mahal.

Waxaa xusid mudan in dhismaha Taj Mahal uu ku dhex yaallo Khabriga Shah Jahan oo ah isla boqorkii dhisay, waxaana ilaa maantadaan dalxiis ku taga kumanaan lamaane oo daafaha adduunka kaga kala yimaada sidii ay dhsimahaasi taariikhiga ah mar uun usoo arkaan, waxaa la shegaa in Boqor Shah uu isaga oo nool ku dardaarmay in khabrigiisa laga ag dhiso midka xaaskiisa.

Waxaa dhismaha Taj Mahal si rasmi ah loo bilaabay bilaawgii 1631 waxaana lasoo gagabeeyay dhismihiisa sanadka markuu ahaa 1643, halka gidaarka ku hareereysan iyo jardiimada Taj Mahal dhisimahooda la dhameeyay Shan sano dabadeed.

Dhismaha Taj Mahal waxaa ku dhex yaalo Qabriyada boqor shah Jahan iyo xaskiisii Mumtaz Mahal, wax yaabaha kale ee cajiibka ah ee ku yaalla qasriga Taj Mahal waxa ka mid guri lagusoo dhaweeyo martida iyo dadka caanka ah ee soo booqanayo dhismahaan taariikhiga ah, sidoo kale waxaa ku yaalla masjid baaxad weyn maadaama boqorkii dhisay ee Shah uu heystay diinta Islaamka.

Saddex meelood meel dadka aduunka ku nool ayaa garanaya dhismaha Jaceylka ee Taj Mahal oo ugu yaraan maqlay hadii aysan booqan, waana meel kamid ah meelaha loogu dalxiis badanyahay ee taariikhiga ah, waxaana sanadkiiba u dalxiis taga, 7 ilaa 8 Milyan oo ruux.

Inta la ogyahay dadka caanka ah ee u dalxiis tagay dhismahaan ayaa waxaa kamid ah Madaxweynihii hore ee Mareykanka Mr Clinton iyo Xaaskiisa Hillary Clinton, sidoo kale waxaa booqday dhismahaan Jilaaga caanka ah ee Aflaamta Hollywoodka ku caan baxay Tom Cruise, sidoo kale Madaxweynaha mayalka adag ee Ruushka Vladamir Putin oo aanan aheyn nin Jaceyl lagu yaqaan ayaa u dalxiis tagay Dhismaha Taj Mahal.

Wajiga hore ee dhismaha Taj Mahal

Dhismaha hore ee Taj Mahal waxa uu gaarayaa dhirirkiisu ilaa 30 mitir waxaana la dhameystiray dhismahiisa sanadku markuu ahaa 1648, albaabku waxa uu ka sameysan yahay Qalin waxaana xusid mudan in ay ku xardan yihiin qaarka ka mid ah Aayadaha Qur’aanka kariimka ah, markii aad ka gudubto albaabka waxaa kuu muuqanayo barxad aad u qurux badan.

Masjidka

Sidaan horey usoo xusnay waxaa ku yaalla gudaha dhismaha Taj Mahal masjid, waxa ay sheegeen dadka ka warama taariikhda masjidkaan in uu dhisay nin lagu magacaabi jiray Isa Muhammad, waxaa ku yaala masjidka hortiisa barkad halkaas oo ay dadka muslimiinta ah inta aysan salaada dukan ay kasoo weysa qaataan, gudaha masjidka ayaa aad u qurux badan waxaana halkii mar ku dukan karto 569 ruux, sidoo kale gudaha masjidka waxaa ku xardhan magacyada Alle iyo qaar ka mid ah Aayadaha Qur’aanka kariimkaa.

Darjiimadda

Waxaa ku yaalla darjiin aad u qurux badan kaas oo loo qaabeeyey qaab casri ah waxa uu leeyahay wadooyin yaryar oo durdur ah oo ay dadka ku dhex socdaalaan, baaxadda darjiinka waxa uu gaaraa 300 ilaa 500 mitiris, sido kale waxaa ku yaalla beero yaryar oo aad u bilicsan indhaha dadkana aad usoo jiidanayo.

Dhismaha Qabuuraha

Qubuurahaan waxaa ku duugan Boqorkii dhisay Dhsimahaan Taj Mahal ee lagu magacaabi jiray Boqor Shah Jahan, iyo xaaskiisa Mumtaz Mahal, Dhismahan qabuuraha waa qeyb kale oo qurxoon oo ku dhex taalla gudaha dhismaha weyn ee Taj Mahal, waana goobta ugu dalxiiska badan oo ay dalxiisayaasha tagaan.

W/D:- Xuseen Salaad Cabdulle ( Gaaldille )




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip